|

Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo maanta xusay 43-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaaskooda

Muqdisho Feb 24 2013 (SDN)– Munaasabadani oo lagu maamusaye 43-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka difaaca dalka Wasirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamulka Gobalka Banaadir.Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed ahna taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Sareeyo Guute Xuseen Xasan Ismaan oo hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamada asluubta ay yihiin ciidanka ugu muhiimsan dalka Soomaaliya.Sareeyo Guute Xuseen Xasan Ismaan ayaa ka sheekeeyay taariiqihii soo maray ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo marxalada iminka ay marayaan.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay yihiin abaabiyaha shacabka.

Wuxuu sheegay in iminka Xukuumadda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii dib udhis ballaaran loogu sameyn lahaa ciidanka maadaama burburkii dalka soo maray uu saameeyay.

Ciidanka asluubta Soomaaliya oo la aas-aasay xilligii gumeestahii ayaa waxaa loogu yeeri jiray askar Gaalshire balse xilligii Dowladii kacaanka 1970 -2-22 ayaa si toos ah loogu bixiyay magaca asluubta waxaana uu si toos ah uga mid noqday ciidanka qalabka sida ee DOwladda Soomaaliya iyadoo loo aqoonsaday inuu yahay ciidanka saddexaad ee qaranka.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed