|

Ciidamada AMISOM oo markii u horeysay lagu arkay bartamaha Kismaayo

Kismaayo Oct 02,2012(SDN)-Waxa markii u horeysay lagu arkay bartamaha magaalada Kismaayo ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwa dawlada Soomaaliya.

Dad ku nool magaalada Kismaayo ayaa saxaafada u sheegay in la arkay ciidamada AMISOM oo aad u hubeysan oo ku qulqulaya guddaha magaalada.

Ciidamadan ayaan gelin guddaha magaalada intii Shabaabku ay faaruqiyeen xarumohoodii magaalada.

Sidoo kale waxa kala joogsaday duqeymihii ay ciidamad aKiinya ku hayeen magaalada maalmihii u danbeeyay.

Dadka reer Kismaayo ayaa ku kala qeybsan gelida ciidamada ee magalada Kismaayo.

Dadka qaar ayaa qaba in arinkani uu keeni karto in guddaha magaalada,halka qaar kale ay qabaan in ciidamadu nabada sugi doonaan.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed