|

Ciidamada AMISOM Oo Laba Laxaad Ku Kufsaday Deegaan Ka Mid ah Somalia iyo Goob-jooge Ka Warramay

Warsheekh:May,07,2014 (SDN/QJ)-Dhacdadii ugu Yaabka iyo murugada badnayd ee ay ku kacaan Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan ayaa ka dhacday Deegaanka  Warsheekh ee gobolka Shabeellaha hoose.

idoDhacdadan ayaa ah inay Ciidankaasi Kufsadeen Ido ka mid ahaa Xoolaha deegaankaas ku sugan, sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii iska lahaa oo xilligaas goob-joog ahaa.

Dhacdadan foosha xun oo ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Qorolow oo 13 kiloomiter u jirta degmada Warsheekh, waxaana dhacdadan saxaafadda u xaqiijiyay Oday da’ ahaan ka weyn 60 sano jir oo labadaasi neef la kufsaday midkood milki ahaan u lahaa.

Ninkan odayga ah markii dhacdadani dhacaysay Goobta ku sugnaa, ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii wax u dhaceen,  “Ciidamo AMISOM Burundi ah ayaa miyiga deegaanka Qorolow nagu soo maray, annagoo la jirna xoolahayaga, kaddib waxay leexsadeen mid ka mid ah neefafka idaha, kaddib markii ay isticmaaleen oo ay ka yeeleen sidii ay rabeen, way isaga tageen, anigana waan soo waday, hore ayaan ka bireeyay waana iska tuuray””.

Waxa uu  intaasi raaciyay ninkaasi odayga ah oo dhacdadaan si aad ah uga fajicisay, in markii hore ciidamadaasi AMISOM ay haweenka siin jireen lacago badan, kaddibna  si ay danahooda ugu fushadaan, balse markii la ogaaday, dumarka iyo carruurta oo dhan guryaha ayaa la geliyey si weyn gaadh ayaa looga qabtay si looga hortago isku dayga iyo dhaqanka lagu arkay ciidamada.

“Waxaan rabnaa in dadkii keenay ciidamadan AMISOM oo dhibkaan xooggan nagu haya in nagala kaxeeyo oo meeshii laga keenay loo celiyo, waayo dadka iyo xoolihii ayay dhibaato aad u xun ku hayaan, mana u dul qaadan karno” ayuu yidhi odayga neefka xoolaha idaha ah laga kufsaday.

Dhacdadan ayaa aad ula yeebay dadkii deegaanka Qorolow, iyadoo sidoo kale bulsha weynta Soomaaliyeedna markii ay maqleen arrintan foosha xun ay ku kaceen ciidamada AMISOM oo la sheegay inay yihiin kuwo nabad ka dhalliyaal ah gudaha dalka Soomaaliya ay dadkii iyo xoolihii ka fakan la’yihiin.

Waa dhacdadii ugu xumayd oo ka dhacda deegaan ka mid ah gobolka Shabellaha hoose, taasoo ilaa iyo hadda si weyn loo hadal hayo.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed