|

Ciidamada Amisom oo la dhacsan adeega ZAAD iyo Shabaabka oo amar adag dul dhigay

Muqdisho June 27,2012(SDN)-Ciidamad AMISOM ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ayaa la dhacsan isticmaalka adeega ZAAD ee ay soo bandhigto shirkada isgaarsiinta ee Hormuud.sidaa waxa lagu sheegay warbixin ay daabacday Jariirada STANDARD ee ka soo baxda dalka Kiinya.

Ciidamada Kiinya ee ka hawlgelaya koonfurta shishe ee Soomaaliya ayaa laba siyoodba u isticmaala adeega.

Waa mare waxa ay ka faaiideystaan sahalka wax iibsiga ee ZAAD,ta kalena waxa ay u sahashaa la socodka dhaqdhaqaaqa Shabaabka,sida warbixinta lagu sheegay.

Kooxda Al Shabaab ayaase adeegan u nisbeeyay in ay ka danbeeyaan “Yuhuuda iyo Mareykanka”.

Sababta dhabta ah ee ay uga soo horjeedaan adegan ayaa ah iyada oo ay halkeedii gashay adeegii ay Xawaaladuhu qaban jireen,adeegaas oo Shabaabku Canshuuro faro badan ka heli jireen.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in adeega ay isticmaalaan shaqaalaha heyadaha caalemiga ah u shaqeeya iyo suxuufiyiinta shisheeye.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed