Cidda Sida Rasmiga ah Uga Dambaysa Mooshinka Xasan Sheekh Oo La Ogaaday
Muqdisho:May,06,2014(SDN/QJ)-Waxa isa soo taraya cidda ka dambaysa in meesha laga saaro maamulka iyo hoggaanka Dawladda Xasan sheikh Maxamuud oo haatan Baarlamaanku u micciyo lisanayo.
Duufaanta meesha lagaga saarayo madaxweyne Xasan Sheeekh ayaa ilaa iyo shalay cirka isku shareertay, waxase Haatan caddaatay cidda Afuufaysa ee dabada ka riixaysa in madaxweyne Xasan laga takhaluso.
Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ayaa qoraya in U qaabilsanaha Arrimaha Somalia ee Qaramada Midoobay Nickolas Kay uu si cad ugu lug leeyahay in madaxweynaha meesha laga saaro, halka ay kaw ka yihiin cadaadiska madaxweynaha la saarayo dalalka jaarka ah oo inta badan saamayn ku leh Siyaasadda Gobolka iyo midda somalia-ba.
Warar lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in Dalalka Ethiopia iyo Kenya ay muddo horeba dalbadeen in meesha laga saaro madaxweynaha, waxana ay Bulshada caalamka ka codsadeen in laga takhaluso Madaxweyne Xasan sheikh.
Labadan dal ee ciidanka ay ka joogan Somalia, ayaa ka ashatakooday in madaxweynaha aysan is-fahmi Karin, lana shaqeyn karin, sidaa darteedna ay doonayaan inuu xafiiska ka tago.
Is afgaran waaga dhex maray dalalka jaarka iyo madaxweyne Xasan sheikh ayaa lagu tilmaamay inay dalalkaasi doonayaan inay qaab rabitaankooda ku dhisan u maamulaan Somalia, taasna uu madaxweyne Xasan sheikh si cad uga diiday oo is hor taagay.
Waxaa sidoo kale jira dadaallo caalami ah oo ay sameeyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland iyo kuwa taabacsan maamulka Jubba ama ku beel ah, oo ka dhan ah madaxweynaha, iyada oo ay muuqato in Xasan Sheekh iyo beeshiisaba looga adkaaday dagaal siyaasadeedkii dalka.
Lama dafiri karo in beesha caalamka dhinaceeda uu ka jiro saluug la xidhiidha hoggaaminta xasan sheikh, iyadooo arrimahha la saluugay ay ka mid yihiin arrintii bankiga dhexe, amni xumada Muqdisho iyo madaxweynaha oo siyaasadda ka go’doomiyey Soomaalida kale marka laga reebo kooxdiisa.
Wasiiro ay waxqabad la’aantooda banaanka taal, ayaa magacaabistooda uu madaxweynaha ku qasbay ra’iisul wasaaraha oo muddo ay u xayirneyd golihii wasiiradiisa.
Markii Xasan Sheekh la doortay waxa uu helay taagaeerada beesha caalamka, ayada oo shirkii New Deal loogu ballan qaaday hal bilyan oo euro, balse illaa iyo hadda soo ma gaaadhin wax la taaban karo, -yada oo Yurubta ay muujiyeen shaki.
Gardarrada Kenya iyo Ethiopia iyo gumeysigooda cusub, ayaa waxaa garab siinaya beesha caalamka, waana taas waxa keenay in Xasan Sheekh waqtigiisa hadda gebo gebo yahay.
Ilaa iyo hadda madaxweyne Xasan sheikh wax jawaab ah kama bixinin tallaabooyinkan lagu mijo xaabinayo dawladdiisa,waxase lagu wadaa inuu ku mashquulsan yihiin sidii uu uga bixi lahaa cidhiidhigan caalamiga ah ee la saaray.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com