|

“Cid looga heebeysanaayo in ay gabar Soomaaliyeed kufsadaan ma jirto Sharafta iyo Karaamada Gabadha Soomaaliyeed waa Muqadas” Wasiirka Maryan Qaasim

Muqdisho 18.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasin oo ka hadleysay Kufsi la sheegay in Ciidamada AMISOM ay u geysteen Haweeney Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Marnaba aan la aqbali Karin Kufsi lagula kaco haweenka Soomaaliyeed.

Drs Maryan waxaa ay sheegtay in Baaritaano ay wadaan ay ku ogaanay in Ciidamada AMISOM kufsi kula Kaceen Haweeney Soomaaliyeed waxa ay Sheegtay Wasiirka in Marnaba Xukuumada Soomaaliya aysan Raali ka noqoneynin in la kufsado Haweenka Soomaaliyeed.

“Cid looga heebeysanaayo in ay gabar Soomaaliyeed kufsadaan ma jirto Sharafta iyo Karaamada Gabadha Soomaaliyeed waa Muqadas”Sidaasi waxaa Sheegtay Wasiirka Adeega Bulshada Drs Maryan qaasin.

Wasiirka waxaa ay sheegtay in marka ay baaritaanka Dhameeyaan hadii ay dhab noqoto in gabdhan Soomaaliyeed la kufsaday ay qaadi doonaan Talaabooyinkii ku haboonaan.

Maryan Qaasin waxaa ay been abuur ku warbixin QM ay soo saartay oo lagu sheegay in Haweenka Soomaaliyeed 10kiiba 9-ka mid ah in kufsi loo geystay waxaa warbiixntaasi ay ku tilmaamtay mid aanjirin.

Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyn sheegtay in Marnaba aysan u dulqaadan Doonin warbixinada been abuurka ah ee laga fidinayo Haweenka Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed