|

Chine:Maydka Haweenay Soomaaliyeed Oo Halis ugu jira In La Gubo iyo Saygii Qabi Jirey Oo Qaylo-dhaan Soo Dirsaday

Beijing:May,12,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Booliska Dalka Chine ayaa la sheegay inay Maanta waraaq Digniin ah farta ka saareen Seyga Haweenay Soomaaliyad ahayd oo Shan maalmood ka hor Cisbitaal Dalkaas ku yaalla ugu geeriyootay xanuun caloosha ka haleelay.

halisWarqada waxaa ku qorneyd in la gubi doono meydka haweeneyda Somaliyeed ee dalkaasi ku geeriyootay, haddii muddo dhan 5 cisho aan meydkeeda looga qaadin Shiinaha oo aan la aasin.

 

Maxamed Xasan Axmed oo ah saygii qabay Muna Maxmaed Xaashi, ayaa waxa uu sheegay in xaaskiisa ay geeriyootay, markii 4 bilood ka hor dhashay wiil, ka horna ay xanuuno ka cabaneysay.

 

Kahor intii aanay Xaaskiisu geeriyoon, ayuu sheegay in qaliin looga sameeyay caloosha, isla-markaana ay u geeriyootay xanuunkii ay la tacaaleysay, markii uu dhakhtarku u sheegay inaanu waxba ka qaban karin.

 

Maxamed waxa uu Ummada Somaliyeed ka codsaday in laga soo taageero, sidii meydka xaaskiisii loogu soo qaadi lahaa Soomaaliya, isla-markaana qarashka ku baxaayo uu yahay 35 kun oo dollarka Mareykanka ah.

Dalka Chine ma jiraan cid la Aaso marka ay dhintaan, waxase ka jira Dhaqan ah in qof kasta oo halkaas ku geeriyooda Maydkiisa la Gubo, taasina waa ta keentay in Hanjabaaddan ay ciidanka Boolisku soo diraan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed