Chicago Blackhawks Iyo Boston Burins Yaa u Kala Dabqaadaya?(Stanley Cup Final 2013) By Jaahuur).
Chicago-June-14-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ula qaxaynaa xagaaiyo Mareykanka iyo koobkii Stanley Cup (FINAL) oo ay madaxa iskula jiraan Chicago Blackhawks iyo Boston Burins.
Haddaba koobkan Stanley Cup ee Hokida(HOCKEY) oo aad looga qadariyo Waqooyiga Ameerika ayaa alaaba lagu ciyaaraa Kanada iyo Ameerika,laakiin waxaana meesha ka maqneyn ciyaartooya kale ee ka ciyaara qaaradahaha kale kala gadisan.
Saaxiibayaal ciyaartii kama dambeysta ee koobkan Stanley Cup Final eaxaa fooda isla galey Chicago Blackhawks iyo Boston Burins,ciyaartii u horeysayna waxay xaley ka dhacdey garoonka Chicago(Game One)..
Ciyaartan oo aad u xiisa badneyd waxaa la isu adeegsadey xoog,iyo xirfadba ,,waxaana Boston u suura gashey iney ku hormaraan labagool qeybtii hore ee ciyaarta.
Qeybtii dambe ee ciyaarta Chicago oo ka faa’iideysaneysa garoonkooda iyo taageerayaashoda waxaa u suurta gashey iney ugu jawaabaan Boston 2-ba gool, 60-kii daqiiqo ee ciyaarta waxay ky dhamaatey 2-2.
Bacdamaa ay ciyaatani tahay Final waxaa loogu darey 20-daqiiqo oo dheeraad ah Over Time badiskuna wuxuu raacayaa kooxdii ku hormata goolka,kii labaadna waxba iskamey dhalin over time-kii saddexaad ayey Chickago dhalisey goolkii ay guushu ku raacdey waxaana u saxeexay SHAWN.
W/qorey Jaahuur
qurbejoognews.com