Chelsea oo Hantidey Koobka Horyaalka Yurub.
Germany-Munich-May-19-2012-qurbejoog.com-Akhyaatay qormadeena ciyaaraha waxaynu galabta ku shaandheyneynaa Bayren Munich iyo Chelseas oo u soo baxay ciyaartii kama dambeysta ahayd FINAL kana tirsaneyd koobka horyaalka yurub.
Ciyaartan oo la wada sugayey ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne aad u tira badan iyo dabcan taageerayaasha madaalayaasha ah ee labada dhinac iyo ciyasartooy badan oo caan ku ahaa kubadda cagta wakhtigii beredsamaadkii.
Saaxiibayaal ciyaartan oo ku bilaabantey qeybtii hore xamaasad la’aanu muuqatayna in lakala baqayo siiba kooxda Chelsea oo difaac iskugu biya shubatey halka ay bayren ka faa’iideysan weydey.
Haddaba waxay wax kastaa is badeleen ciyaarta qeybteedii dambe oo labda kooxoodba la soo galeen garoonka dar-dar cusub oo ay ku dheehantahay farsamo iyo weerer badan oo ay isku qaadayeen waxaana odhan karaa waxay ka dhisnaayeen xag difaac,iyo dhexda waayo goolasha oo raagey.
Saaxxiibayaal daqiiqaddii 85-aad waxaa Bayren Munich waxaa u suurtooyey iney dhashadaan gool aad u qurux badan waxaana madaxa ku hubsadey shabaqa MILLER,waxaase daqiiqadii 88-aad u jawaabey xi8ddiga reer Ivory Coast DROGBA oo isna madaxa ku hubsdey shabaqa ciyaartuna waxay ku dhamaatey 90-kii daqiiqo ee loogu talagaley 1-1.
Sida ay caadadu ahayd waxaa loogu darey 30-daqiiqo,nasiib darow Bayren waxay heleen rigoore waxaana cuney Robben ciyaartuna 30-kii daqiiqo ee loogu tala galey waxay ku dhamaatey -0-0-Rigoorayaashii loo dhigeyna waxaa 4-3- ku guuleystey Chelsea runtiina eay u qalantaa waow ay tahay markii ugu horeysey ay hantiyaan horyaalka yurub.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com