Ceydiis Ilka Xanaf oo Sheegay in Dastuurka uu u baahanyahay dib u habeyn
Muqdisho April 29 2013 (SDN)– Maxkamada sare ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in Dastuurka KMG ee dalka Soomaaliya uu ubaahan yahay dib u eegis ballaaran in lagu sameeyo.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf oo ka hadlay arrimaha la xiriira dastuurka ayaa sheegay in dastuurka uu u baahan yahay dib u eegis si loo tafaftiro oo looga saaro qaladaad uu sheegay inay ku jiraan.
Ilka Xanaf ayaa sheegay in waxyaabaha saxida u baahan yahay ay ka mid tahay in dastuurka uu ku qoran yahay in uu jiro aqal kale oo aan aheyn midka Baarlamaanka kaasi oo aan hada sameysneen balse uu soo jeediyay in la sameeyo.
Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf oo soo hadal qaaday arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta xuquuqda qofka ee xaga bulshada iyo dhaqaalaha, waxaase uu sheegay in wax badan oo fuli lahaa ay dhaqaalo daro u sabab tahay.
Hadalkaani ayaa waxa uu ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Ilka Xanaf kulan looga hadlayay xuquuqul insaanka oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
SDN-Muqdisho