Ceerigaabo oo taageerada mucaaradka muujisay iyo maalmo u hadhay Muuse Biixi
Hargeysa. 3 November, 2022. (QJ)- Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxa maanta lagu soo dhaweeyay xubno ka mid ah mucaaradka Somaliland gaar ahaan xisbiga Waddani, kuwaas oo wacdaqro ka dhigay gobolka xili Somaliland ay ka jiraan duufaano khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaysanaya.
Kumanaan qof ayaa magaalada kusoo dhaweeyay madaxda xisbiga Waddani iyadoo dadka wax falanqeeyaa ay ku macneeyeen in ay tahay farriin ku aadan in Ceerigaabo ay taageersan tahay mucaaradka Somaliland.
Waxa xusid mudan in dhawaan xisbiga Kulmiye xubno ka mid ahi ay Sanaag tageen iyadoo dad aad u koban ay Ceerigaabo ku qaabileen, arintan ayaana dod ka dhalisay baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho.
Warbaahinta Qurbejoog ayaa ogaatay in saraakiisha xisbiga Waddani ay kulamo la qaadan doonaan dadka deegaanka, cuqaasha, salaadiinta, saraakiisha ciidamada iyo dhalinyarada deegaanka. Waxa ay kala tashanayaan waxa la yeelayo 13 November oo ku eg muddo xileedka madaxweynaha Somaliland.
Khubarada ayaa ka walaacsan xaaladda Somaliland maadaama madaxweynaha Somaliland aanu marna ka noqon mawqifyadiisii dhaliyay muranka xoogan.