Ceerigaabo: Askari Boliis ah Oo Toogasho Lagu Dilay iyo Gacanku-dhiiglihii Oo La Hayo
Ceerigaabo:30-Sep-2013(SDN)- Askari Boolis ah ayaa Duhurnimadii shalay ku Geeriyooday Degaanka Ximan-gareen oo qiyaastii 20-km jahada bari ka xigta magaalada Ceerigaabo kaddib markii sida la sheegay uu meel u galay nin booliisku doonayeen in ay soo qabtaan oo laga soo dacwoodey.
Boliiska ayaa gacan ku dhiiglihii “Ninka boliisku doonayeen inay soo qabtaan ayaa dhexda u galay ciidanka waxana halkaas ku geeryoodey hal askari gacan ku-dhiiglihiina waa la qabtay”. Sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Muxummad Geelle (Dacar) oo arrintan ka hadlayey.
Badhasaabku Waxa uu intaas kusii daray “Ninkan waa laga soo dacwoodey waxayna boliisku u socdeen in ay meesha soo eegaan mana jirto cid dhaawacantay oo ilaa hadda taliyaha qaybtu Ii sheegay”.
Inkastoo badhasaabka Sanaag sheegay in aanu ogayn wax dhaawac ah haddana wararka kale ee bulshada kasoo yeedhaya ayaa sheegaya inuu jiro askari kale oo boliiska ka dhaawacmay.
Magaalada Ceerigaabo, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ka socday shaqaaqooyin kooban oo intooda badani ka dhasheen Beddelaadda lacagtii Giimbaarta ahayd ee Gobolkaas laga beddelay, waxana jiray dad shacab iyo ciidan iskugu jira oo hore ugu dhaawacmay shaqaaqooyin ka dhacay Magaalada Ceerigaabo, taas oo keentay in magaalada Bandoo lagu soo rogo xilliyada Habeenkii.
S.D.N
Somalidiasporanews.com