|

Ceelashii shidaalka laga baarayay ee Puntland oo Biyo uun loogu tegay

Bosaso Aug 28,2012(SDN)-Shirkada shidaal baarista ka waday degaanada Puntland ee Horn Patroleum ayaa maanta quus iska taagtay in laba ceel oo ay halkaa ka qodeen ay wax shidaal ah ku jiraan,sidaana waxa lagu sheegay war ay soo saartay shirkadu.

Shirkada ayaa kolkii hore waxa ay ceel shidaal baaris ah ka sameysay goobta la yidhaahdo Shabeel 1 north,kolkii kaa laga waayay wax shidaal ahna waxa goob aan sidaa uga fogeyn laga qoday ceel kale oo isna la yidhaahdo Shabeel1,kaas oo isna noqdey mid aan wax shidaal ah laga helin.

Horn Petroleum ayaa sheegtay in goobahaasi aan laga sii wadi doonin baaritaanada shiidaal”Inkasta oo aanu ku guul dareysan in labada ceel ee Puntland in aanu shidaal ka helo,hadana waxaanu ku kalsoonahay in jirto rejo in shidaal ku jiro aagaas”sidaa waxa yiri madaxa Horn Petroleum Keith Hill.

Rajada ah in shidaal ceegaago saxaraha Dharoor ayaa waxa qaba madaxda reer Puntlnad,shirkaduhuna waxa ay qiyaasaan in shidaal cadedkiisu yahay 300 oo milion oo foosto in laga heli karo woqooyi bari Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay shirkada Horn Petroleum ee qodaalada mudada ka waday Puntland ayaan faahfaahin nooca iyo goobta ay baaritaanada ka sameynayaan.

SDN-Puntland
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed