|

Ceelafweyn oo kacdoon ka bilowday

Ceel Afweyn Feb 05, 2023 (QJ) -Waxaa manta mudaharaadyo looga soo horjeedo dilal soo noqnoqday oo lagu eedeeyay ciidamada Somaliland ka dhacay degmeda Ceelafweyn.

Dadka degaanka ayaa isugu soobaxay bartamaha magaalada Ceelafweyn iyaga oo sita calanka Soomaaliya isla markaana ku qeylya ereyo ka dhan ah Xukuumada muda xileedkeedu dhamaaday ee Muuse Biixi.

Dadka degaanka ayaa ka cabanayay dilal dhawr ah oo ay geysteen ciidamada Somaliland.

Waa magaaladii labaad ee ku taal Somaliland oo laga muujiyo cabasho dilal aan la xalin mudo bilo gudahood ah.

Shalayna magaalada Boorama ayaa la arkayay dhalinyaro laga horjoogsaday xuska dad halka iyana lagu laayay.

Dadkii xuska Boorama isugu soo baxay ayaa la qabqabtay. Magaalada Laascaanood ayaa iyana dilal noocan oo kale ah oo dad rayid ah loo geystay sababay kacdoon dibada looga dhigay magaalada ciidanka Somaliland.

Xeel dheereyaasha ka faalooday Siyaasada Somaliland ayaa qaba in dhacdooyinkani horudhac u noqon karaan brubru ku yimaado hanaanka dawladnimo ee Somaliland hadaan isbedel dhab ah oo dib loogu noqonayo cadaalada aan degdeg lagu helin.

Comments are closed