|

Ceeb: Dabaaldega Puntland Ee Minneapolis Oo Lagu Xiray: $20 Dolarka Maraykanka

Waxaa xalay magaalada Minneapolis, ee gobolka MN, lagu qabtay dabaaldega maalinta aasaaska Dowlada Goboleedka Puntland. Sida sawirada lagu daabacay warbaahinta qaarkood ka muuqata, ayaan waxaad arkaysaa in aysan dad badani ka soo qaybgalin xaflada. Inkasta oo lagu guulaystey in ay xafladaan dhacdo, hadana waxaa jira arimo hoose oo aysan dadka inta badani ka warqabin.
Marka hore, waa isbedel wayn oo imaaday in xafladaan ay dhacdo sandkaan iyo kii ka horeeyeyba maadaama xafladaan aysan dhicin in mudo – taasoo dadka qaar ay u aananeeyaan nin madax looga dhigay uruka loo yaqaano ‘Puntland Diaspora Forum’, ninkaas oo hada u shaqeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya, ahna ganacsade degaanaan jiray magaalada labaad ee gobolka Minnesota.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta in sanadkii hore iyo sanadkaaba ay dabaaldega Puntland ka dhalatey is qabqabsi u dhaxeeya labo kooxoood. Kuwaasoo dhamaan ku tartamayey in ay qabanqaabada xaflada gacantooda ku maamulaan. Waxayse ku kala duwan yihiin – kuwo rabo in maalintaan lacagna laga sameeyo iyo kuwa rabo dhowrida maalintaan oo ah maalin astaan u ah jaaliyada Soomaaliyeed, gaar ahaana reer Puntland.
Waxayse u eg tahay in maalinta ay gacanta u gashay kooxo raba in ay noqoto maalin ay ka ganacsadaan. Ma xuma ganacsiga, laakiin waxaysan ogayn in dadka qadarinteeda ay uga wayntahay $20 dollarka Maraykanka ay rabaan in ay ka qaadaan dadka soo galaya madasha xaflada lagu qabto, laakiinse waxay dad badan oo reer puntland ah iyo dhamaan Soomaaliwaynba uga baaqdeen in aysan raali ka ahayn beecgalinta August 1deeda.
Inkasta oo aysan Jaaliyada Soomaaliland ku badnayn Minneapolis, waxayse sanadkasta qabtaan maalinta Somaliland oo ku beegan May 18keeda, mana waydiistaan dadka jaaliyada reer Somaliland iyo dhamaan Soomaaliwaynba lacag ay ku kalaan madasha xaflada lagu qabanayo. Taas waa sharaf muujinaysa sida jaaliyada reer Somaliland u qadariyaan maalintaan la wayn, isla markaana u ah astaan jaaliyadooda.
Marka, inkasta oo ay Dowlada Goboleedka Puntland teeda hada la tiicayso, madaama hogaanka xukuumada hada jirta ay tahay mid aad iyo aad u jilacsan, waa in xal laga gaaraan maalintaan, lana joojiyaa in maalinta astaan u ah ummadda ay noqoto mid la isku baarto madasha xaflada lagu dhigo.
Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ oo ah qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota – junlay99@aol.com

Comments are closed