|

Caydiid Ilka Xanaf: Wariye Koronto iyo Haweyndii la xukumay racfaan ayay qaadan karaan

Caydiid C/laahi Ilko Xanaf gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa waxaa uu sheegay in Xukunkii shalay lagu riday Wariye C/casiis Koronto iyo Haweeneedii sheegtay in la kufsaday in ay ka qaadan karaan Racfaan Xukunkaa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa waxa uu tilmaamay in Garsoorka Dalka uu ka madax banana yahay Siyaada sidaa darteedna dad waxa uu ugu baaqay in ay kala saaraan oo aysan u qaadan in Garsoorka Dalka uu Hoostago Xukuumadda Dalka ka arimisa.

Shalay ayeey aheed Markii Wariye C/casiis Koronto iyo haweeneedii sheegtay In Lakufsaday lagu xukumay min hal sano oo xarig ah inkastoo Haweeneedaasi Xabsiga laga sii daayay madama ay Cunug yar Nuujinaysay dhamaan Xukumadaana waxaa Ka xumaaday Dowladda Marekanka iyo Q,M.

Hadalka Caydiid Ilko Xanaf ayaa waxa uu jid ufurayaa Qareenkii udoodayay Wariye C/Casiis C/nuur Ibraahin Koronto kaa oo shalay sheegay in uu Racfaan ka qaadan doono Xukunkii lagu Riday Wariyaha.

Comments are closed