Carwo lagu soo bandhigayo xirfaddaha Farsamada Gacanta oo lagu qabtay Hargeysa
Hargeysa 23, May 2012 (Qurbejoog.com)- Carwo lagu soo bandhigayo xirfaddaha dhanka Farsamada Gacanta, ayaa maanta ka furmay hoolka guriga shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.
Carwadan oo socon doonta muddo laba maalmood ah, waxa soo qabanqaabiyay hay’adda Save the Children iyo ururada wadaniga ah ee ay wadashaqaynta leeyihiin.
Furitaankii Carwadan oo waxyaabo kala duwan oo dhinaca farsamada gacanta ku saabsan lagu soo bandhigay, waxa ka qaybgalay wasiirada Maaliyadda, Kalluumaysiga, Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiir kuxigeenka Waxbarashada, Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, madaxda hay’addaha iska kaashaday iyo martisharaf kale.
Madaxa hay’adda Save The Children oo hadal dheer ka jeediyay furitaankii Carwadan, waxa uu faahfaahin ka bixiyay noocyada xirfadaha dhanka farsamada ee ay hirgelinteeda gacan ka gaysteen. Waxa uu sheegay in tan iyo 2005 ay dhalinyaro tiro badan siiyeen xirfado kala duwan oo farsamada gacanta ah, sida Laydhka, Nijaarada, Biyo-gelinta, Xinaha dumarka, Dhar-toliska ama dawaarka, waxsoosaarka Shinida iyo waxyaabo kale.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com