|

Caruun Ku dhintay Dab Ka Kacay Iskuul Ku yaalla Magaalada Rangoon ee dalka Burma

Rangoon April 02 2013 (SDN)– Burma ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 13 caruur ah,sida masuuliyiin dowlada u hadashay ay u sheegeen.

Saraakiisha booliska dalkaasi ayaa ku micneeyay dabka inuu ka dhashay koronto ku jirta iskuulka,waxaana badankood caruurta ay isaga baxeen iskuulka iyadoo aysan gaarin wax dhibaato ah.Afhayeen u hadlay booliska Thet Lwin ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee AP iyo labo dhismo keyd ah qeyb ka mid ah masaajid iyo meel bariga magaalada Rangoon hoos ay utahay 75 aqooman ah.Caruurta badankood ayaa kala carar ku baxsaday iyaga oo ku xoomay hal mar albaabka iskuulka markii booluska ay gareen si ay ufuraan,sidaasi waxaa yiri afhayeenka u hadlay ciidamada booliska.

Dabka ayaa la sheegayaa inuu sababay burburka dhismaha iskuulka inkastoo dadka ay waxyeelo kasoo gaartay holaca dadka oo ahaa mod xoogan,waxaana iskuulka uu hooy u ahaa caruur badan.

Ciidamada booliska dalka Burma ayaa ku sheegay warbixin ay soo dhigeen barta bulshada ku xiriirto ee Facebook in dhamaan dadka dhintay uu qabsaday dadka qaarkoodna ay garan waayeen meel ay u baxsadaan qiica daraadiis.

“Marka loo eego baaritaanka ciidamada booliska ay sameeyeen dabka waxaa sababay kororka korontada oo sareeyay”ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay booliska dalka Myanmar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhamaan dadka waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen wiilal da’yar kaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in qolalka jiifka ardayda dariishadahooda ay xernaayeen sabab la xiriirta xiisadii kacsanaanyta ee u dhaxaysa muslimka iyo budhistaha ,taasi oo ku adkeysay in caruurta ay ka baxsan waayaan goobta.

Ciidamo badan ayaa loo diray goobta iyadoo dad badan ay kusoo xoomeen banaanka masaajidka sida AP ay baahisay maanta oo Tallaado ah.

Bishii lasoo dhaafay 22 keedii xaalad deg deg ah ayaa lagu soo rogay bartamaha magaalada Meiktila oo ka tirsan gobolka Mandalay halkaasi oo isku dhacyadii qalalaasaha watay ee u dhaxeeyay muslimiinta iyo budhistaha ay ka bilowdeen.

Guryo badan iyo dhismooyin ganacsi ayaa la burburiyay bartamaha magaalada iyadoo kumaanaan dad ah oo u badan muslimiin goobta ay ka barakaceen.

Ilaa 20 kii Maarso ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhintay isku dhacyadaasi,iyadoo bandow lagu soo rogay markii dambe deegaanada xiisadaha ay ka taagan yihiin.

Madaxweynaha dalkaasi Thein Sien ayaa sheegay in dowlada ay awood ku joojin doonto isku dhacyada ka taagan magaalada.

SDN-Rangoon

Comments are closed