|

Carabta Somaliland Oo Cod Midaysan Ku Taageeray Musharraxooda

Hargeysa Nov 25,2012(SDN/Hubaal- Munaasabad ballaadhan oo maalintii shalay ka dhacday hudheelka Saba ee magaalada Hargeysa ayey beesha Carabta Somaliland ku soo bandhigtay cududda ay la garab taagan yihiin murashaxa beeshan ka tirsan ee golaha deegaanka degmada Berbera u sharraxan Saalim Cubayd Saalim. Kulankan oo si aad ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay madax dhaqameedka, dhalinyarada iyo haween tiro badan oo beeshan ah iyo weliba marti shafar kale oo uu ku jiro suldaanka guud ee beelaha bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiireey oo lagu casuumay munaasabadda.

Jiif Caaqilka Carabta Somaliland oo madashaa ka hadlay ayaa ugu horrayn mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey ururka WADANI oo uu sheegay in uu qaddariyey meeqaamka beeshan ee Somaliland siiyeyna fursadda ay iskaga soo sharraxeen golaha deegaanka ee doorashooyinkoodu arbacada foodda inagu soo haysa ka dhacayaan dalka. Caaqil Maxamd Sayid Cabdal-jabbaar waxa uu sheegay in dhammaan dadka beeshan ka soo jeeda oo ku filqan lixda gobol ee Somaliland ay si buuxda u taageersan yihiin murashaxooda isaga oo ururrada kale ee siyaasaddana ku dhiirri geliyey in ay maraan tubtaa uu ururka WADANI ku soo sharraxay xubin beeshan ka soo jeedda oo ay hadda kadib qaddariyaan beesha muwaadinnimadeeda. Caaqilku isaga oo si kooban uga hadlay taariikhda qaddiimiga ah ee ay beeshanu ku leedahay Somaliland waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Carabtu waa beel ku dhereran taariikhda Somaliland.. taariikh aad u facweyn ayaa ay ku leedahay jamhuuriyadda Somaliland, oo ay deegaan ka ahayd tan iyo waqti dheer oo ka horreeyey gumaysigii Ingiriiska”

Jiif Caaqil Maxamed Sayid waxa kale oo uu tilmaamay in Carabta muwaadiniinta ahi ay qarankan ku leeyihiin raadad muuqda, waxa aanu tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah astaamaha qaranka  ee Jamhuuriyadda Somaliland sida baasaboorka oo qaabkiisa iyo astaantiisa iyo weliba calanka jamhuuriyadda Somaliland uu ikhtiraacooda iyo samayntooda iska lahaa Alle ha u naxariisto ee Muraad Cabdalla Mubaarak oo ahaa aqoon yahan iyo farshaxan caan ahaa oo ka soo jeeday beesha Carbeed ee Somaliland.

Ugu dambayntii waxa uu caaqilku dadkiisa ugu baaqay in ay nabadgelyo ah u codeeyaan kuna dadaalaan in ay dhankooda ka dhowraan xasiloonida iyo degenaanshiyaha ay Somaliland ku nabad iyo caano maashay.

Munaasabaddan dadka ka hadlay waxaa isna ka mid ahaa Suldaanka guud ee beelaha bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiireey oo sheegay in beesha carbeed iyo weliba hindidu ay taariikh aad u dheer ku leeyihiin Somaliland. Suldaanka oo ka hadlayey beesha Carabta Somaliland waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan idin leeyahay beeshan taariikhdeeda waa la yaqaannaa oo ku noqosho uma baahna. Berbera, Saylac, Hargeysa, Laascaanood, Sheekh, Burco iyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxa ay ku leeyihiin deegaan. Marka taariikhda dib loogu noqdo, Tusaale ahaan haddaan u soo qaato gobolka Saaxil, wxaaa Berbera ku yaalla guryo 150 sannadood ka hor ay Carabtu ka dhisteen, oo dadka Somaliland haybta ku noqday aanay waqtigaa ku lahayn.. Waxa ay taasi ku caddaynaysaa in dhowr qarni ay degenaayeen oo ay ummadani (Carabta iyo beelaha kale ee Somaliland) ay soo wada noolaayeen”

Suldaan Xiireey oo ka hadlayey xuquuqda siyaasiga ah ee ay dawladihii hore ee Somaliland beeshan siiyeen waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Madaxweynihii hore ee Somaliland, Alle ha u naxariisto ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa uu beeshan kursi ka siiyey golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaliland” Waxa aanu intaas ku daray in 21kii sano ee ka dambeeyey burburka dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay beeshani kala luntay oo hadda uun dib loo soo kabanayo dadkiina isa soo urursanayaan, waxa aanu beeshan ugu bishaareeyey in hadda kadib laga baxay kala qoqobnaantii iyo colaadihii oo la gaadhay xilligii ay beeshu dib isoo celin lahayd miisaankii ay ku dhex lahayd bulshada Somaliland.

Dhanka kalana waxa uu Suldaanka guud ee beelaha bariga Hargeysa ugu baaqay beesha Carabta Somaliland in aanay maanta dayacin fursadda uu ururka WADDANI siiyey oo ay xoogga saaraan in ay soo saaraan xubinta u sharraxan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Maanta Golaha deegaanka degmada Berbera ayaa xubintii Carabtu ka sharraxan tahay, maanta haddii la idin siiyey fursad muddo dheer idinka maqnayd, oo aad maanta u codayn weydaan oo aad soo saari weydaan xubintiinaa Ilaahay ka dhigi maayo ee, dib u dhac ayaa ay idinku noqonaysaa. Waxa aan idinku boorinayaa maanta inaad lug iyo gacan isugu taagtaan inaad xubintaas golaha deegaanka oo metelaysa ummadnimadiina, magaciinii iyo jiritaankiina aad soo saartaan. Si aad ugu faantaan oo ay beritana suurtogal idiin noqoto in aad Baarlamankana soo saartaan, oo ay mar saddexaad tusaale ugu noqoto in aad xubunnimadiinii golaha guurtida ku soo noqotaan” Waxa aanu Sudlaan Xiirey sheegay in uu qiyaasayo in carabta joogta gobolka Saaxil oo keliyi ay soo saari karto laba xildhibaan haddii ay si fiican isu abaabulaan oo ay u hagar baxaan, laakiin haddii ay garteen in ay horta is tijaabiyaan oo ay midkaa soo saaraan ay wanaag tahay.

Suldaanku waxa uu beeshan Carabta Somaliland u ballan qaaday in uu u noqdo Suldaan u raadiya xuquuqdooda isaga oo sheegay in uu ummadda Suldaan u wada yahay. Laakiin haddana uu si gaar ah u ilaalin doono beesha carabta Somaliland”

Waxa uu Suldaan Xiireey ugu baaqay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, golaha xukuumadda iyo axsaabta Qarankuba in ay ka shaqeeyaan sidii ay Carabta Somaliland u heli lahayd xuquuqdeeda siyaasiga ah ee muwaadinnimo, baaqa uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyeyna waxaa ka mid ahaa, “Waxa aan Madaxweynaha si toos ah uga codsanayaa inta aynu gaadhayno doorashada Barlamaanka iyo Guurtida in Carabta Somaliland loo soo celiyo xubintoodii xubin sharafta ahayd, shacbiga Somaliland-na ku ogaa ee Dastuurka Somaliland uu siiyay waxaan ka codsanayaa madaxweynaha Somaliland iyo xukuumada iyo shacbigu meel kasta oo uu joogo marka ay doorashadu inaga dhamaato in si toosa loogu dhawaaqo xubin sharafeedkii ay hore ugu lahaayeen Guurtida”

Ugu dambayntii waxa uu Suldaanku Carabta Somaliland u soo jeediyey in ay isku xidhnaadaan isna gacan siiyaan iyo in ay nabadda ilaaliyaan xilliga doorashada isaga oo u ballan qaaday, “Anna waxaan idiin ballan qaadayaa intii suldaanimo, intii odaynimo intii aan idinla qaban karo in aan idinla qabto, musharaxa idiinka sharaxan Gobollka Saaxil carabta joogta waxaan u malaynayaa laba xildhibaan ayay soo saari Karaan, laakiin hadii aad tidhaahdeen tijaabo ayaan iskugu daynaynaa aad ayaad ugu mahadsan tihiin, waxaan inoo ballana inaad soo saartaan musharaxaas idiin sharaxan, waanad mahadsan tihiin” Waxaa kale oo kulankan ka hadashay Anhaar Anwar Saalim oo ku hadlasay afka Haweenka beesha Carabta Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed