Canbaareyn wadareed mug-leh oo ku wajahan Xadhiga Xaqdarada ah ee lagula kacey Weriyaha Somali Channel Weriye Mohamed Abdillahi Faarax ( Soofadhiiste ) iyo Weriya-yaasha reer Gabiley
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03/11/2014
Hadaba Maanta Waxaa ay dhamaan shacabweynaha reer Somaliland ay qabaan in xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan oo tiradoodu hada mareyso 65 Wariye uu yahay mid lid ku ah oo lagu Sadqeynaayo Xoriyatul Qawlkii iyo xuquuqul-insaankii Qarankan yari 23-ka Sanadood uu ku soo caano maaley isla markaana lagu wax yeelaynaayo Nabadgelyada, Xasiloonida iyo Nidaamkii Dimuqraadiga ahaa ee aynu Dhab-dhabaneyno.
Waxaanu Xukuumada Siilaanyo leenahay waa ayaan daro in dhacdooyin cusub oo ugub ahi ay ku soo noq-noqdaan Gobolka Saaxil magaaladiisa Berbera oo ah hooyadii wadanka habeysey. 1– Waxaa bishii hada Dhamaatey si badheedh ah loogu toogtey oo hada dhaawac halis ah ujiifa Gudoomiyihii Waxbarashada ee Gobolka Saaxil. 2– Waxaa maantana Weerar Cadaan ah ay maleeshiyo Beeleed hubeysani ku soo qaadeen Maxrajkii 3-aad oo dhismihiisu ka socdey Koonfurta Magaalada Berbera ,Taas oo ciidamo beeleedyadaa oo dhismahaa maxrajka cusub ka maseyrsani ay cagta mariyeen Dhismihii goobta ka socdey kadibna ay si isku kalsooni leh uga baxeen goobtii iyada oo cidna laga xidhin. Waxaanu leenahay Badhasaabka Gobolka Saaxil waad Fashilantey ee haku mar-marsoon xadhiga Weriyaha ee is Casil hadii aanad falgalkaa maxrajka ka mid aheyn.
Anaga oo ah Qurbe joogta reer UK ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil Waxaanu Cod wadareed mug leh oo Dheer Ku Canbaareynaynaa Xadhiga Xaqdarada ah isla markaana arxan darada ah ee Lagula kacay Weriye Maxamed A/llaahi ” Soofadhiiste ” Laguna gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada madaniga ah ee Madaxa banaan ee Jamhuuriyada S/land,
Xadhigaa Sharci- darada ah ee Soo Noq noqonaaya Intii Xukuumadani talada haysey,Sidoo kalena ay ka dhigatey Xadhiga Wariyayaasha Wax Iska Caadiya ayaa waxa ay waxyeeleysey Sumcadii iyo Dimuqraadiyadii Somaliland Caalamku ku majeeran jireen taas oo hada cabsi weyn looga qabo in ay dhaawac gaadhsiiso Xidhiidhka aynu la leenahay Deeqbixiyayaasha, Wadamada Saaxibka dhaw la ah JSL iyo Bulshada Caalamka.Waxaanu Leenahay Xukuumadan Siilaanyo ee Dul-yar, Deman, Dareen nugul sida ugu dhakhsaha badan Xoriyada ugu soo celi Wariye Soofadhiiste iyo labada weriye ee reer Gabileyba, Hadii kale waxaanu si dhakhso leh magacyadooda ugu gudbin doonaa Hayadaha Xuquuqul insaanka udooda ee ka hawlgala UK.
A/Rahman Fidhinle
A/llahi Sool
Hassan Ahmed
Yusuf Osman
Ali Abdi Jama
Omar Jama
Ali Cisman
Mustafe Yusuf mohamoud
Mohamed osman
Mohamed Nur
A/Salaan Mahdi
Mukhtar Abdillahi jama
Idiris abdi fidhinle
Mohamed Jama
Abdillahi Hussien
Yusuf Daa’uud
Xaamud Yasin
Abdi Xussien
Ahmed Xussien
Ismail Abdillahi
Abdillahi Abdille guleed
A/risaaq yasiin
Ali Hasan bariise
Abdi awdaahir
Mohamed Ibraahim
Maxamed Siciid
Abdi aw-adan
Abdiriin Ibraahim
Alleh Ayaa Mahad Leh,
Waa-Bilaahi-Towfiiq
Gudida Joogtada ah
Qurbe-joogta reer Saaxil ee ku nool UK