California: Ujeedada Shir ay isugu yimaadeen Jaalliyada Somalida Itoobiya
California. 17, May 2012 (SDN)- Jaaliyada Somalida Ethiopiaee SanDiego, Californiaayaa isugu yimi shir ay ujeedadiisu ahayd in Jaaliyadu dhisato maamul. kaasoo ka shaqeeya arimaha Jaaliyada Somalida Ethiopiaee SanDiego dalka iyo dibadaba. Shirkan oo socday saacado ayaa dhamaan Jaaliyadu isku xogwaraysatay. Waxaa kale oo shirka lagaga hadlay arimo farabadan oo kala ah dhinaca nabadgaliyada, maalgashiga iyo horumarka deegaanka somalida ethiopia. Intaa kadib, waxaa shirka ka hadlay Suldaan Asad Suldaan Muxumad Suldaan Haybe oo ka hadlay in hogaan loo dhiso Jaaliyada iyo sida ay muhiim oogu tahay shacabka dal iyo dibadba. Waxaa kale oo isna ka hadlay isla shirkaas Suldan Abdiwali Suldan Abdi Haybe oo asaguna ku dheeraaday muhiimada guddiga Jaaliyada SanDiego. Isla goobtii waxaa hadalo qiimo leh kasoo jeediyay Eng Abdullahi Ibrahim Caydiid oo ugu baaqay dhamaan Jaaliyadu in ay u heegaanato dalkooda iyo dadkooda. Ugu danbayntii shirka ayaa waxaa dhamaan Jaaliyada Somalida Ethiopiaee SanDiego, Californiala isku raacay in ay hogaanka u qabtaan magacyada hoos ku qoran oo loo doortay xilka. 1. Eng: Abdullahi Ibrahim Caydiid- Gudoomiye 2. Col: Maxamed Sheik Hirsi- Kuxigeen 3. Maxamed Islaam- Afhayeen 4. Abdirashid Bile- Arimaha Bulshada 5. Abdirizak Budul- Xoghaye
SDN, California