CaliDheere: Faransiiska waxa uu isku qalday Burcad badeeda iyo Al Shabaab dagaalkii Buulo Mareer
Muqdisho Jan 15 2013 (SDN)- Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Faransiiska ay ku fashilantay weerarkii ay ku soo qaaday deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.
Cali Maxmuud Raage ayaa tilmaamay in Faransiiska uu isku qaldayo Burcad badeeda iyo Shabaab, waxana uu sheegay in dhawr jeer ay dad ka furteen burcad badeeda laakiin aysan Shabaab kuwaas la mid aheyn.
“Gaalada Faransiiska waxaan u sheegayaa, waxa bay isku qaldayaan, waxa aan leeyahay burcad badeeda iyo Mujaahidiinta isku mid mahan, ee ha ku sirminina” sidaasi waxaaa sheegay Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.
Cali Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in Dagaalyahanadii ka hortagay Ciidamadii Faransiiska ee weeraray Buulo Mareer ay yihiin kuwa soo nooleeyay rajadii Xarakada Al Shabaab ee maalmihii danbe buur dheer ka sii dhaceysay.
Afhayeenka Al Shabaab oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in weerarkasta oo lagu soo qaado aan laga adkaan doonin, waxaana uu carabka ku adkeeyay in Al Shabaab ay diyaar u yihiin ka hortagida weerarkasto oo lagu soo qaado.
Dhanka kale Cali Dheere ayaa baaq u diray Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya dalkaMali, waxaana uu sheegay in ay u samraan dulaanka Faransiisku dalkooda uu ku soo qaaday.
Cali Maxmuud Raage ayaa u sheegay IslaamiyiintaMaliin diyaarado duqeyn geystaa aysan dhul qabsan karin loona baahan yahay in ay wadaan dagaalka ay ku xurey nayaan dhulkaMalioo dhan.
Ugu danbeyntii Cali Dheere ayaa u sheegay Faransiiska in ay Islamaan hadii ay nabad galyo rabaan ama ay ku hoos noolaadaan maamulka Islaamka.
Dowladda Faransiiska ayaa howlgal Fashilmay ka fuliyay Magaalada Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo lagu hayay la heyste ka soo jeeday dalka Faransiiska.
SDN-Muqdisho