|

Cali Waran-cade oo iska fogeeyay eedo ay ujeediyeen Madax-dhaqameed reer Gabiley ahi

Hargeysa, 23, May 2012 (SDN)- Cali Maxamed Waran-cadde ayaa iska fogeeyay eedo ay dhawaan u jeediyeen madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaanka Gabiley, kuwaasoo sheegay in Cali Waran-cade iyo Suldaan Xiiray ay lug ku lahaayeen dhacdadii dhawaan ciidanka qaranka ay kooxo hubaysani ku soo weerareen.

Cali Waran-cade ayaa qoraal uu soo saaray oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Anigoo daba jooga hadal ka soo yeedhay Madaxdhaqmeed ka soo jeeda gobolka gabilay oo aniga iyo suldaan yuusuf muhumed xiirey ku dhaleeceeyey dhacdadii ka dhacday bariga Hargeisa, waxaan dhacdadaa ku dhaafayaa qadar alle oo dhacay, waxaanan filayaa in ay ku dhamaato si fiican. oo aanu ka faa´iidaysan cadowga somaliland.

waxaanse jeclahay in aan halkan uga mahad naqo Madaxdhaqameedka reer gabiley ee sida saraaxada ah uga hadlay wararkii dhanxiirku geeyey gobolka gabiley ee ku saabsanaa kaalinta aniga iyo suldaanku aanu kagalnay

shaqaaqadii ka dhacday bariga Hargeysa ee dhalisay dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn maanta. oo horaa loo yidhi finka caloosha ku jira carabkaa lagu dilaa.

Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii dadkii ku naf waayey dhacdadaasi foosha xun. Marlabaadka waxaan leeyahay wararka gaadhay odayaashu waa qaar aan waxba ka jirin , oo loogu tala galay in lagu mija xaabiyo qaranka somaliland,iyadoo la doonayo in nidaamka qaranimo ee aynu dhiganay la inaga leexiyo oo farta la isugu fiiqo beelaha reer somaliland, iyadoo meesha laga saarayo qaranimadii aynu ku soo tacabnay,

waxaanan qabaa in ay wararkan faafinayaan cadowga somaliland iyo qaar inaga inaga mid ah oo ku mamay in ay si xun u ceeshaan, iyo qaar salaanka siyaasadda somaliland ka dhacay oo xasad u geynayo in aanay waxba ka xishoon,

waxaanse moodayey in somaliland madaxdooda kala baratay oo nin walba halka ay ugu hagaagayaan iyo waxa ka suurtooba la bartay , waxaanan u sheegayaa  bulshada reer somaliland in aan la igu tuhmin wali wax ka hooseeya qaranimada somaliland.waxaana ugu baaqayaa umadda reer somaliland in ay ilaashadaan wadajirkooda , arrimahooda xalishaan.”

ALLAA MAHAD LEH 

ALI MAHAMED WARANADE

HARGEISA SOMALILAND

 SDN, Hargeisa

 

Comments are closed