Cali Waran-cadde iyo Taliye Fadal Oo Amar ku Joojiye Kulan Baroor-diiq ah Oo Saraakiishii Ciidanka qaranka Laga Laayey Hargeysa Loogu Qaban Lahaa Maanta
Hargeysa:Sep,28,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan warar ay heshay Shabakadda Qorbejoog.com, waxa Amar si hoose uga soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan Lagu Joojiyey Kulan baroor-diiq ah oo loo ballansanaa in maanta Hutel Mansor loogu qabto saraakiishii ciidanka qaranka lagaga dilay Duleedka Qorilugud.
Kulankan oo maalmahanba qabanqaabadiisu ka socotay Hutelka Mansorn, ayaa waxa ku Hawllanaa qaarka mid ah Ehellada, qaraabada, aqoonyahanka iyo dadka samaha jecel eek a xumaaday qaabkii saraakiishaasi u dhinteen, waxase markii ay arrintaas ka warheleen Huteelka Mansoor siyey amar joojin ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Boliska oo ka baqa qaba Hadallo Madasha lagaga sheegi doono Doorkii liitay ee xukuumaddu ku lahayd Dilkii Saraakiishaas.
Sida aanu ku Helnay warka waxa amar la siiyey Huteelka, iyadoo lagu wargeliyey inaan la aqbali Karin wax kulan ah oo loo qabto labadaas sarkaal, waxana arrintaasi dhabano-hays ku noqotay dhalllinyaradii qabanqaabinaysay kulankaas, kuwaas oo ka muraara-dilaacsan tallaabadan xukuumaddu kusii darsatay tii ay hore uga gilgisheen shacabka Reer Gabiley.
Amarka ay Hutelka Geeyeen Taliye Fadal iyo Wasiir Warancadde oo iyagu si fudud ammarradau qaata, ayaa la fahansan yahay inuu yahay mid dhinaca Madaxtooyada ka yimi, isla-markaana Kooxda Talada gacantaku Haysaa ay kaga gilgilanayaan dhaliilahooda muuqda oo sida la hubo lagaga shekayn doono madasha xuska ah Haddii ay qabsoomi lahayd.
Kooxdaas ayaa dan moodday inay horistaagaan xuskaas si loo ilaawo dhaliisha xukuumadda ee la xidhiidha hannaankii loo maamulay Dilka Saraakiishaas Dhallinyarada ah ee qaranka sida foosha xun uga Baxday.
Kaadhadhaka Barood-diiqda ayaa sidan u qornaa:
Marti-qaad: Baroor-diiq Qaran
Mudane, waxa si xushmad iyo qadarin leh lagaaga codsanayaa inaad nagala qeybgasho Kulan Baroor-diiq ah oo loo sameynayo Allaha u naxariistee labadii Sarkaal ee ka tirsana Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu dilay Qori-lugud.
Kulankan oo ah mid loogu tacsiyadaynayo Dawladda, gaar ahaan Ciidanka Qaranka iyo Ehelladooda ay ka baxeen labada Sarkaal, waxa uu ka dhici doona:
Hotel Maansoor Taariikhda: 28/09/2014
Magaalada Hargeysa Saacadda: 08:00AM
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com