|

Cali Maxamed Geeddi Oo Hannaan Xaglin ah Uga Hadlay Khilaafka Madaxda Soomaaliya

Nairobi:14-Nov-2013(SDN)-Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, haatana kamid ah Mucaaradka  ugu waaweyn ee dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa uu ka hadlay Khilaafka soo kala dhex galay M/weynaha dowlada Federaalka iyo R/wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

geeddiProf. Geedi, oo wareysi siinayay mid kamid ah Warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in M/weynaha aanu awood sharciyed u lahayn inuu xilka ka qaado ama Casilo R/wasaaraha.

Waxa uu sheegay in howsha fulintu aanay u oolin M/weynaha & Baarlamaanka midna, balse ay u taalo Xukuumada, waxaana uu sidoo kale Mr Geedi aad u dhaliilay 10-ka Wasiir ee uu hore usoo magacaabay R/wasaare Saacid.

“M/weyne R/wasaare odhanaya kaalay oo is casil, meel ay sharciga kaga jirto ma aqaan, M/weynaha isagaa dusha saaranaya masuuliyada Khilaafka hada taagan, Dastuurka ayuuna ku tuntay” ayuu yidhi Cali Maxamed Geedi.

Khilaafka u dhaxeeya M/weynaha & R/wasaaraha, ayaa haatan noqday mid banaanka yimid, kadib markii uu RW Saacid Warsaxaafadeed uu  soo saaray ku shaaciyay, inuu jiro Khilaaf, islamarkaasna Baarlamaanka uu horgeyn doono khilaafka kala dhaxeeyo M/weynaha.

 

Cali Maxamed Geeddi ayaa ah rukunka ugu adag ee sida tooska ah uga soo horjeeda madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud, waxana uu haatan si gaar ah khilaafkan dusha uga saaray Madaxweynaha oo uu ku sheegay nin aan wax aqoon ah ulahayn hannaanka Dawladnimada.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed