Cali Khaliif:Beesha Caalamku waxaay dooneysaa in ay si Xawli ah ku xaliso Dawlad la’aanta Soomaaliya
Nairobi April 26,2012(SDN)-Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh ee hore u ahaa Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo iminkana ku magacaaban madaxa guddida G9 ee Khatumo State ayaa wareysi uu sii yay Barta Internetka ee Business Daily waxa uu uga waramay arrimo dhawr ah.
Galeydh ayaa si weyn u dhaliilay beesha caalamka oo uu ku eedeeyay in ay sugi kari la’a yihiin in Soomaalidu mar kale fashilanto si ay u yidhaahdaan wataa Soomaali fursadii la sii yay mar kale ka faaiideysan weyday.
Cali Khaliif waxa uu dafiray in Khatuumo looga gol lahaa in lagu carqaladeeyo Somaliland,iminkana ay ogol yihiin in ay wadahadlaan.
Cali Khaliif waxa uu dhaliilay nidaamka loo wado dasturrka KMG ah ee dalka oo uu sheegay in aan xitaa ka war qabin55 ruux oo Soomaali ah.
“Degdeg ayaa lagu qorayaa Dastuurka dalka,waana mid keeni karta fashil”ayuu yidhi Galeydh.
Waxa uu Galeydh sheegay in aduun iyo waqtiba la geliyay dastuurka balse uu yahay mid dusha looga keenayo Soomaalida.
SDN-Nairobi