Cali Khaliif oo Gardarro ku Sifeeyey Qabsashada Somaliland Ee Degmada Taleex
Muqdisho:16-April-2014(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galayd Oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somalia, isla-markaana ka Tirsanaa madaxweynayaashii ay kooxda Khaatumo hore u samayysatay, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay qabsashada Somaliland ee Magaalada Taleex.
Xildhibaan Cali Khaliif, ayaa tallaabada Somaliland ku qabsatay Taleex ku tilmaaay mid gardarro ah oo aan loo Dulqaadan Karin, isagoo ku sifeeyey isku day damac salka ku haya.
Xildhibaanka oo si weyn ugu ololeeya Arrimaha Khaatumo, ayaa farta ku fiiqay inay Somaliland doonayso inay dhulkaas xoog ku Haystaan, isla dadka Meesha ku noolna xasuuq lala rabo, “Dagaalka uu Maamulkaasi(Somaliland) Qaadayaa ee uu ku soo duulaya dhulkaas khaatumo inay tahay midday mar walba ay sheegaan oo ah inay dhulka iyagu leeyihiin, dadka ku noolina Haddii aanay sidaas yeelin inay tahay inay ay ka guuraan ama in la xasuuqo oo la dhameeyo taas weeyo ta uu maamulkaasi wadaa,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh oo haatan ku sugan Magaalda Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale Codsi dheer u diray Dawladda Federalka ee uu ka Tirsan yahay iyo waliba Beesha caalamka inay il gaar ah ku eegaan Qabsashada Somaliland oo uu isagu gardarro ku sifeeyey, waxana uu yidhi, “waxana aanu doonaynaa in Dawladda xamar ka dhisan maamul Goboleedda kale ee Somalia ka dhisan, Dalalka aanu deriska nahay adduunweynaha iyo inta Nabadda jecel inay nala arkaan anagoon waxba buunbuunin waxa ay Somaliland Waddo.”.
Hadalkan cali Khaliif ayaa u muuqda mid uu farriin cad ugu dirayo soamliland sida uu uga soo horjeedo qabsashada Magaalada Taleex oo Maamulkii uu dhismihiisa kow ka haa xarun u ahayd, waxana uu markii uu fikirkaasi socon waayey Cali saldhig ka dhigtay Magaalada Qaraxyadu hallakeeyeen ee Muqdisho oo uu Haatan ku Nool yahay.
SDN/QJ-Hargeysa
timo@qurbejoog.com