Cali Khaliif oo Buuhoodle kaga dhawaaqay Hindise ay Hal Maamul ku dhisanayaan Khaatumo & Koox la baxday Maakhir State iyo Wejiga Cusub ee Siyaasadda
Buuhoodle, 8 March, 2016-(SDN/QJ): – Kooxda la baxday Khaatumo ee Hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Shalay Magaalada Buuhoodle kaga dhawaaqay in la samaynayo Maamul midenaya Kooxdooda Khaatumo iyo Kooxda la baxday Maakhir ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Gabogabada Shir Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxdiisa uga socday Magaalada Buuhoodle, ayay ku dhawaaqeen Midow dhex maraya iyaga oo Khaatumo ah iyo Kooxda kale ee la baxday Maakhir State oo ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag isla-markaana dhisayaan Hal Maamul oo ka dhexeeya.
Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo ay si wada jir ah Buuhoodle ugu qabteen isaga iyo Xubnaha Kooxda Khaatumo ka kooban tahay, ayaa yidhi, “Khaatumo iyo Maakhir waxay galeen Ballamo, hawlahoodiina way u socdaan, waanuna isku imanaynaa, waxa isku iman doona Wakiillada Khaatumo iyo Maakhir, waxaanu dhisan doonaa Maamul, Ka Naxow Nafta waa’, Maamulkaa waanu dhisanaynaa oo waanu u ballansan nahay.”
Dr. Galaydh, waxa kale oo uu Caddeeyay in xidhiidh Wanaagsan ka dhexeeya Khaatumo iyo Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya, “Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobitya Xidhiidh wuu naga dhexeeyaa, Dadka Sool-na badankoodu wuxuu ku nool nahay Kililka Shanaad, Dhalashadana waanu is-nahay, Dhulkana waanu wada leenahay, laakiin Masuuliyadda Dhulka iyagaa (Kililka) leh.”ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray inuu Kalsooni ku qabo in Xidhiidhka ka dhexeeya Kooxdiisa iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sii wanaagsanaado.