“Cali Khaliif iyo kooxdiisu waxaan u arkaa koox nabad diid ah oo qas ka wada deegaannadaas” Wasiir Xaglo Toosiye
Hargaysa 17.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa sheegay in aan wax kulan ah Cali Khaliif Galaydh ku dhex marin degaanka Buuhoodle, isagoo ku tilmaamay in Cali Khaliif iyo cida taageersan yihiin nabad diid, qas iyo rabshado ka wada dhulka Somaliland.
Wasiir Xaglo-toosiye oo maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, kadib markuu muddo safaro shaqo ah ugu maqnaa degaanka Buuhoodlo iyo Caynaba, ayaa xusay in degaannada uu bariga ah ee uu socdaalka ku soo maray adeegyadooda caafimaad liitaan, wasaarad ahaana ay wax badan ka qaban doonaan.
Wasiirka Saleebaan Xagla-toosiya oo la waydiiyey in wax kulan ah dhex maray Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku jawaabay; “Maya wax kulan ah oo aanu habayaraatee yeelanay ma jirto, Cali Khaliif iyo kooxdiisu waxaan u arkaa koox nabad diid ah oo qas ka wada deegaannadaas iyo kuwo kale oo waddanka ka tirsanba, wax kulan ahna lamanaan yeelan, dadweynaha ku dhaqan Buuhoodlana nasiib wanaag wax faa’iido ah kalamay kulmin, ciidan iyo ergo toona Buuhoodle kamay tegin, odayaashuna waxay u sheegeen inuu degaanka ka tago oo uu ka baxo, anana manaan kulmin.”
Wasiirka oo sidoo kale la su’aalay halka uu ku dambeeyey xaaladii kacsanayd ee shaacabka Buuhoodle, waxa uu yidhi;“Dadkaas waa dad colaad badan soo maray, dhibadana ku soo jiray, waa dad iminka nabad iyo horumar u jeeda, dareenka aan ka arkayna waxa weeyaan in aanay ogolaanayn cid dambe oo nabadgelyadooda carqaladaysa, waana dad meel uga soo wada jeeda cadawga nabada, waa dad jecel horumar, waa dad is beddelay colaad badan ka dib, inta qasaysa nabadaas dadku doonaayo waxaannu uga digaynaa in aanay carqaladayn, wax dhibana u geysan.”
“Waxaan muddooyinkii dambe ku maqna safar shaqo oo aan ku tegay degmooyinka Caynabo iyo Buuhoodle, safaradaas oo la xidhiidhay u kuurgalka xaaladaha caafimaad ee deegannadaas ka jira, runtii baahi badan oo xagga caafimaadka ah baa ka jirta, intii aan joognayna waxqabad badan baannu ka hirgelinay, waxaannu u soo dhagax-dhignay mashaariic kala gedisan oo aanu rajaynayno Wasaarad ahaan inaannu fulino dhawaan,” ayuu yidhi Saleeban Xaglo-toosiy oo ka hadlaayey ujeeddada shaqooyinka uu ku tegay degaannada Bariga fog.
Hargaysa SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com