|

“Cali Khaliif hadii uu Maamul Doonayo inuu kan maamulo ayaa ka fiican inta uu tagayo meesha Hargaha lagu cuno……”Xil. Indho Indho

Hargeysa:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Cabdiqaadir Maxamed Xasan(indho indho) oo ah Mudane katirsan Golaaha Guurtida, lagana soo doorto Gobolka Sool, ayaa ka Hadlay tabashada Gobollada Bariga ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu soo jeediyey in arrintaas wax laga qabto.

indho indhoXildhibaan Indho indho oo maanta warbaahinta la Hadlay, ayaa  sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wax badan ka qabatay tabashooyinka Deegaanada Darafyada, isagoo carrabka ku dhuftay inn wax laga qabto abaaraha ku dhuftay deegaanada Bariga Dalka,

“Bari waxa ayay ka qabtay waxna way u hadhsan yihiin,waayo labaatankii Sano ee ugu horeeyay Ayaan waxba laga qaban Deegaankaasi,Shan Sano oo Madaxwayne siilaanyo joogayna ayaa wax laga qabtay,waxaana la doonayaa siday u Koreen dadka dagan galbeedu in Iyana u koraan,waxaanad Dareemaysaa siday Galbeedka Biyaha Bali bali u yihiin in Iyana ceelal badan loo qodo,Abaaro badan ayaana deegaanka ku dhuftay oo Qalo dhaanta waad arkaysaan ka soo yeedhay.Tabashooyinku ilaa xaawa iyo Aadan way taagnayeen,ilaa iyo waligeedna way jirayaan,lakiin Somaliland iyo waxaas lama laha af somali maaha,somaliland dhul ayaa la’idhaa dad ayuu ilaahay kuwada abuuray tabashaduna ilaa waligeedna way jiraysaa,xukuumaduna waxa wanaagsan in wixii jiray ay ka garawdo,wixi kalena iska difaacdo,wixii reer galbeedku u baahan yihiin reer bariguna way u baahan yihiin,Reer galbeedkana dadka guraasta wax ka siiya Ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho indho.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Mudo kordhinta la sheegayo ee xukuumadu doonayso in ay u sameeyaan Golaha Guurtidu kaas oo sheegay in ay ka gudan Doonaan waajibaadkooda Dastuuriga Ah raaci Doonaan Qodobka 83tanaad, waxana uu yidhi,

“Horta ilaahay naguma Keeno Mudo Kordhin lakiin haday timaado Wixii uu ina Farayo Dastuurku ayaynu raaci Doonaa,haday Timaadana waxa la raaci Doona Qodobkiisa 83,ka Kobaad ka Labaad iyo ka Sadexaad ayuunbaa La raaci Doonaa Kolba Duruuftu Siday tahay ayaa La eego Doonaa Lama Kala Dareeri Doona.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaanku in Markii Uu Xilka tiriyay Riyaale Maamul La gaadhsiiyay Gobolada Bari,Balse Ay xukuumadan wali u dhiman tahay Sanaag Bari iyo Buuhoodle oo Laba qaybood u qaybsan xukuumada u soo jeediyay in Ay ka hawl gasho, waxana uu arrinta cali Khaliif ku tilmaamay nin  ugacan galay Sokeeye Gun ah, waxana uu yidhi,

“Cali khaliif waxa uu la joogaa Gun Sokeeyo Ah,anaguna waxaanu la joognaa Gob Cadaawe Ah,markaas wax alaale iyo wax ay ictiraafayaan iyo waxa ay u tarayaan majirto,waa waxaa iyagii is cunaya,Cali Adeer hadii uu Maamul Doonayo inuu kan maamulo ayaa ka fiican inta uu tagayo meesha hargaha lagu cuno,buuhoodlena ciidanku niyuu boolisku way soo galeen,wajaale ayay soo galaan baligubadle ayay soo galaan,Markaas kuwaas ay soo galayaan buuhoodle oo dhan itoobiya ka Ah kuwaas kama wanaagsana.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed