|

Cali Gurey:Xeerka Doorashooyinka madaxweynuhu Wakiilada Horgeeyay waa ka duwan yahay kii lagu heshiiyay

Hargeysa Aug 24,2014(SDN/QJ)-Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID Cali Gurey ayaa ka waramay xeerka Doorashooyinka ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo dhawaanta u gudbiyay Gollaha Wakiilada Somaliland.

Cali Gurey ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu xeer baal marsan heshiiskii Doorashooyinka ee beesha calamku wax ka ogeyd mid baal marsan geeyay Wakiilada, Qoraalka Cali Gurey ayaa sidan u dhigmnaa:

Xeerkii Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha ee wax ka bedelkiisa iyo kaabistiisa uu dhawaan Komishanka Doorashooyinku u gudbyay Madaxwaynuhu wuu ku daayay waayo madaxwaynuhu xeerka uu u gudbiyay Golaha Wakiiladu waa mid cusub oo isku xidhaya Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha taas oo gebi ahaanba ka hor imanaysa wixii ay hore ugu wada h…ashiiyeen dhamaan daneeyayaasha labada doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada ee kal dambe hadii Alleh yidhaa, hadii ay yihiin Xisbiyo Qaran, Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda iyohadii ay yihiin qaadhaan biyayaasha shisheeyaha ah oo la filayo inay cidi ka timaado todobaadkan

Waxa la sheegayaa in sheekadan cusubi ay ka dhalatay shir qarsoodi ah oo dhex maray ergo wakiilada ka socotay iyo Madaxwaynaha oo keentay in guddi uu madaxwaynuhu u saaro xeerkii Komishanka Doorashooyinku u soo gudbiyay ee ahaa keliya wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerkii hore ee Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha. Natiijadii gudida ayaa u muuqata in loo jeedo IN AAN DALKA DOORASHO KA DHICIN iyada oo qorshuhu yahay in labada dooraho ba dib loo wada dhigo marmarsiiyuhuna noqdo xeerarka aan is qaadi karin xiligan oo xeer qudha la iskaga dhigo si ay wuxu ba isu la wada qasmaan. Waxa muhiim ah mawqifka qaadhaan bixiyayaasha oo hadii ay ka baxdo xukuumadu wixii lagu heshiiyay iyaguna xaq u leh in ay la noqdaan kaalmadoodii dhinaca maal gelinta gebi ahaanba arimaha doorashooyinka Somaliland hadii aanay saamaynin dhinacyada kalena. Xisbiyada mucaaridka ah laftoodu talo ayay isugu maqan yihiin.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh waxa la ogyahay in siyaasiyiinta caydinka iyo cago baruurada ah ee talada madaxtooyadu ay keligood gacanta ugu wada jirtaa aanay wax badan garanayn go’aankooduna uu noqon karo “CIDNA LOO JOOJIN MAAYO”. Bal aan eegno halka ay saldhigto.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed