Cali Gurey OO Muranka Golaha Laga Dhex Aloosay Ku Macneeyey Tallaabo Xukuumaddu Muddo-Korodhsi Ku Samaysanayso
Hargeysa:11-Feb-2014(SDN)-Guddoomiye-ku-xigeena Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Yuusuf Maxamed (Cali-Gurey) ayaa Muranka Golaha Wakiillada Laga Dhex Aloosay Ku Tilmaanay mid Looga Jeedo in Doorashada Dib loogu dhigo oo Lagu Xalaalaysto in wakhtiga la Korodhsado.
Mujaahid Cali Guray ayaa Xusay inay Ujeedadu ka Fog tahay tan dadka u muuqata ee ah in Goluhu Foodda islagalaan, isagoo Tilmaamay in la Dooonayo Sidii Loo Samaysan Lahaa Daliil Noqon Marmarsiinyo Muddo Kordhin lagu samaysto.
Guddoomiye Cali Gurey oo Qoraal Dheer soo Dhigay Bartiisa Face-bookk-ga, ayaa tilmaamay inaanay Ujeeddada Muddo kordhinta loo Samaynayaa kaliya ku Ekayn Madaxtooyada ee ay xataa ku JIraan Sharcidejintu, waxana uu yidhi,”Sheekadu ma laga yaabaa in ay dhaafsiisan tahay Cirro oo loo socdo in lagu baabi’iyo doorashooyinka si hadana muddo kordhin hor leh oo wakiilada iyo madaxtooyada ihi ay u timaado. Muddo kordhin dambe waa salaan iyo kala taga iyo Somaliland oo albaabada loo xidho si loogu tartamo muqdisho oo ah halka loo socdo ama wax loo wado ba. Is bedel kasta oo ku yimaada Goluhu waynu ognahay in uu yahay mid aan Golaha dhexdiisa ka curan ee uu yahay Liverpool project. Hadda ogow hantid la isticmaalayaa na waa cashuurtii laga qaaday islaanta tamaandhada gidaarka la fadhida oo Xirsi sidii uu doono ugu takri falayo. Bal hadda aynu sugno tiisu waa saleelo eh ta ay dhali doonto”
Hadalkan ka soo Baxay Mujaahid Cali Gurey, ayaa ku Soo Beegmaya Xilli uu Dalku Galay Toddobaadyo Muran iyo Jaahwareer ah, waxana Si weyn farta Loogu Fiiqayaa oo Dhibaatadan Dhacday lagu Riixayaa Dhinaca Madaxtooyada.
S.D.N