|

Cali-gurey oo Fadqalalooyinka Waddanka ka Taagan Dusha Ka Saaray Wasiir-ku-xigeenka Amniga kuna Gooddiyey in Dib u Xorayn dambe uu Diyaar u yahay

Hargeysa:11-Dec-2013(SDN)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey) ayaa Eedo kulul dusha ka saaray Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland.

GUREYCali-gurey oo ka hadlayey isu soo bax uu xisbiga ucid shalay ka sameeyey magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u naqdiyey tallaabooyinka cabudhinta ah ee uu wasiir ku Xigeenka amnigu gadhwadeenka ka yahay ee lagula kaco Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

 

“Wasiir-ku -xigeenka Amnidarrada oo ah qofka loo adeegsada Shirqoolada iyo amnidarrada ayaa isagu shakhsigii shirqoolkii qabile ninkii Loo Adeegsaday ahaa, ayaa sidoo kale xadhiga Muwaadiniinta Xisbiga Ucid ka Dambeeya, Umaddanina halka ay ku socotaa waa Meel khatar ah, oo 12-sanadood wax aan waddanka ka dhicin ayaa madaxtooyada laga soo abaabulayaa, lamana ogola in wax laga qabto, Inamada waxaas oo amnidarro ah wadaana wasiirka Amnidarrada gurigiisay u hoydaan,” ayuu yidhi cali-gurey.

Sidoo kale waxa uu mujaahid cali gurey  rajo xumo ka muujiyey xaaladda waddanku halka ay maanta marayso, waxana uu yidhi,“Waxa la marayaa magaalada  kama bixi kartaan haddaad ka baxdaana wixii idinku dhaca idinkaa ka masuul ah.”

Cali gurey waxa uu farta ku fiiqay  dhibaatooyinka iyo Hagardaamooyinka ay xukuumadda Kulmiye la soo baxday, waxana uu tilmaamay in taladii waddanku meel kale afka saartay, waxana uu yidhi, “wixii aan ka tegay iyo waxa aan Somaliland ku arkayo  waxa xun  waxa aan Maanta Somaliland ku arkaayo, waxana nasiib darro ah in maanta taladeenii loo dhiibo kuwo aan ehel u ahayn, haddii ay kalligayso in maanta dalka dib loo xoreeyo oo dhiig dambe loo  daadiyo diyaar baanu u nahay.”

 

Hadalkan ayuu cali gurey u jeediyey shacab aad u faro badan oo maalintii shalay ka soo qaybgalay mudaharaad salmi ah oo xisbigu ku qabsaday xaruntiisa guud horteeda.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed