CALI GUREY IYO KHUDBADII MADAXWAYNAHA EE 18ka MAY
London May 18,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID ayaa ka fal celiyay khudbadii madaxweyneaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo uu ka jeediyay munaasibadii sanad guurada 23aad ee May 18 ee sanadkan,hadalka Cali Gurey ayaa waxa ka mid aha;Waxan ka mid ahaa intii saluugtay ee naqdiday Khudbad Sanadeedkii Madaxwayne Silanyo uu ka hor jeediyay labada gole taas oo shakhsi ahaan anigu aan ku tilmaamay inay ahayd kuligeedba ” HADALO FIICFIICAN OO LA TAXAY” oo ay ladnaan lahayd hadii inta ugu yar uu Madaxwaynuhu Khudbad Sanadeed kiisa ku soo qaadi lahaa gol daloolooyinka dhabta ah ee mucaardku ay u soo jeediyaan xukuumadiisa ee dhegaha uu ka gufaysto iyo sidoo kale tabashooyinka dad…ka tabaalaysan ee uu madaxwaynaha u yahay.
Maanta Khudbadan uu madaxwaynuhu jeediyay xuska munaasibadda18ka Meey waxan marka hore qirayaa in ay ka fiican tahay tiisii hore ee uu ka jeediyay Labada Gole hortooda. Madaxwaynuhu markan wuxu sheegay ama qiray inay jiraan gol daloolooyin dhab ahi dhinaca xukuumadiisa waxa aanu ku balan qaaday in uu wax ka qaban doono, isaga iyo Allihiisa eh. Wuxu ka hadlay kuna booriyay wada tashi, midnimo, iyo isku duubni. Wuxu qiray in “CAADO LA GOOYAA CADHO ALLEH” leedahay, Somaliland na ay ku soo caano maashay wada tashi, is qancin iyo isu tanaasul, taas oo aynu ognahay in madaxwaynuhu yahay isaga laftiisa cidda Simaliland ka salguurisay sifihii wanaagsanaa ee lagu majiiran jiray bulshada caalamku na inoo qiray in sida aynu u soo wadnay geedi socodka qaran dhisku, gaar ahaan dhinaca dawlad wanaaga marka ay tahay dhinaca dimuqraadiyadda, madax banaanida saxaafadda, xornimo hadalka iyo dhawrista xuquuqda aadamiga, inaga oo og hoos u dhaca iyo maga xumada arimaha ay soo xusnay oo dhan ka soo gaadhay Somaliland intii uu Madaxawane Silanyo Xilka hayay. Waxa kale oo ka mid ah meelaha farta lagu godayo ee hogaamintiisa ku dhisan qabyaaladda, eexda iyo qaraabo kiilka oo weliba ay ugu badan yihiin xubno isaga QOYSKIISA KA TIRSAN OO AAN WAX XILAL AH QARANKA U HAYNIN HADANA ADEEGSADA AWOODIHIISA DASTUURIGA AH’ IYO WASIIRADA IDMAN EE REERKIISA.
Hadaba, odaygu hadii uu wax ka qaban karayo iyo hadii ay khudbadiisu hadal-tiro uun ka tahay ba waxa aynu odhan karnaa khudbadan odaygu “ISHA AYUU KALA HELAY” waanay u qalantaa, la isma caasiyo eh KHUDBAD MADAXWAYNE. Hadii ay u suurawdo inu u rogi karo ficil na hadalkeedaba daa,
SDN/QJ-London
contact@qurbejoog.com