Cali gurayow wisiirka madaxtooyadu wuxuu sugay guushii xisbigiisa halka aad adigu ka doorbiday inaad qadaadiic yar ka qaadato riyaale!!!!
Waxaan salaamayaa warbaahinta sida fiican warka noogu kala tabisa ee aanaan la’aanteed la heleen wararka aad baa u mahdsan tihiin.Intaasi kadib waxaan jeclaystay in aan dhawr eray ka idhaahdo hadalo deel qaaf ah oo afhayeenka udub halkan uga soo jeediyey wisiirka madaxtooyada iyo wisiirada kaleba kuwaasi oo xambaarsanaay yasid iyo aflagaado aan geedna loogu soo gaban taasi oo uu cali guray ku sheegay warysigiisii u danbeeyey ee lagu waraysta taaariikhdu marka ay ahayd 3/6/12.Marka hore caliyow waxaad tahay nin siyaasi ah oo waliba ah raga u soo dagaalamay dalkan balse hadaladaada waxaa goor walba ku jira aflagaado badan oo aad cid u jeediso halka siyaasiga laga doonnayo in aanu goor walba hadlkiisa laga dhadhansan shakhsi nacayb ama weerar ku aadan shakhsi balse waxaa laga hadlaa danta guud taasina adiga goor walba kaama muuqato markaa waxaan filayaa
inuu kugu dhacay khalkhal siyaasadeed ee iska naso.
Hadaba haddii aad soo qaaday wisiirka madaxtooyada waxaan kuu sheegayaa inuu u adkaystay halkii aad adigu u adkaysan weyday oo ah xisbigii kulmiye ee aad ka wada tirsanaydeen isaguse uu ka midha dhaliyey balse adiga soor ayaa ku qaaday ama hunguri aad qadaadiic yar kaga qaadatay daahir riyaale taasi waxay ku tusaysa in aanay deganayn siyaasadaadu,halka wisiirka madaxtooyadu( waa xirsi) isaguna uu daahir ka diiday wax kasta oo loo joogsadayba, sida aan ka war qabno wakhtigii kulmiye ku jiray halganka adag wisiirka madaxtooyadu waxa uu ka mid ahaa gudigii doorashooyinka waad ogeyd markii uu u adkaysan waayey wixii uu samaynayey daahir riyaale in uu hadh cad iska casiley isaga oo loo joogsaday lacag iyo mansab midkii uu doono hase ahaatee waxaad markhaati ka tahay in uu iska casilay xilkaasi kana door biday inuu ku adkaysto inuu ka hawl gal xisbigiisa oo aad adigu kaga carartay in yar oo fara guudkood ah oo aad qaadatay iyo mansab afhayeenimo udub adiga oo ka mid ahaa rag asaasay kulmiye.
Sidaasi awgeed wisiirka madaxtooyadu waa shakhsi hawl kar ah,daacad ah,dadaal badan isla markaana u shaqeeya ummada reer somaliland,madaxweyne Axmed maxamed siiraanyona wuxuu u diyaariyo hawl maalmeedkiisa intaasi wax ka badan oo lagu sheegay ma jirto hawshiisana wuu ka adag yahay adigana waxaa laga yaabaa in marka udub burburto in aad aad u iman doonto dhawaan markaa wax iskula hadh siyaasadu meel ma fadhido e.
Sidaadrteed waxaan ku leeyahay aflagaado wax ma tarto ee waxaan ku odhan lahaa wisiirada xilkooda gudanaya ka daa aflagaadada adiguna bal naso waxaan filayaa in wax badan kaa khaldan yihiine.
Waxaa kale oo aan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa madaxweynaha somaliland iyo wafdiga balaadhan ee ku soo guryo noqday dalka hooyo waxaan idin leeyahay guul ayaa soo gaadheen ee hallkaasi kasii wada lug kasta oo aad qaadaan waa ku guulaysanaysaan waayo dalka iyo dadka ayaa idinku kalsoon,waxaanan hubaa in aad ka midha dhalin doontaa qadiyada somaliland wax kasta oo ay qaadato midhihii guushuna wuu muuqdaa ee hadaalina.
gunta iyo gabagabada waxaan halkan ku cadaynayaa in xukuumada somaliland ay goor walba isa soo tarayso waxtarkeeda isla markaana ay kasbanayso kalsooni badan oo ay dadkau ku qabaan waayo haddii aad waxtar la timaado dadku waa ku soo dhaweynayaa.
Cabdi.D.Camuud
adamuud@hotmail.co.uk