|

Cali Dheere “Hadii aan Kenyaanka Kismaayo lagula dagaalamin weey sheegan doonaan”

Muqdisho Dec 22 2012 (SDN)– Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose hadii aan lala dagaalamin ay sheegan doonaan Kismaayo inay ka tirsan tahay Kenya.

Wuxuu Sheegay in Kenya Soomaaliya horay ay uga qabsatay dhul Soomaaliyeed isaga oo xusay in NFD ay Soomaali aheyd iminkana ay xoog ku heestaan Dowladda Kenya.Sidoo kale Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay haysato iyana dhul iminkana ay ka jiraan ismaamul hoostaga Dowladda Ethiopia.

Sababaha dhulkaasi ay ku qabsadeen ayuu sheegay Cali Dheere inay tahay in dagaal yar lala galay kadibna la iska daaye sidaasi ay kula wareegeen.

Afhayeenka Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in meelaha iminka ay ku sugan yihiin ciidamada shisheeye ee caawiya Dowladda Soomaaliya ay ka tagi doonaan iyaga oo baaba’ay sida uu sheegay.

“Meelaha hada ay joogaan dhul jeeb magalaayo iyaga oo baaba’ay ayeey ka tagi doonaan,Muqdisho Ugandha uma guurayso,Beladweyne,Ethiopia uma guuraayo,Kismaayana Kenya uma guurayso”Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Shabaab.

Al-Shabaab ayaa iminka dagaal xoogan kula jira dhamaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana Shabaab lagala wareegay Degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed