Caleemo-saarka Cali Khaliif Oo Saaka Loogu Ballansan yahay Saax-dheer iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Kulaalaya
Saax-dheer:Aug,28,2-14(SDN/QJ)-Magaalada Saax-dheer ee Koonfurta Gobolka Sool, waxa saaka loogu ballasan yahay in lagu qabto munaasibad caleemo-saar oo Cali Khaliif loogu dhaarinayo Madaxtinimada Kooxda Dibad-wareegga ah ee KHaatumo.
Wufuud ballaadhan oo meelo kala duwan ka kala timi, ayaa halkaas gaadhay, waxana haatan socda qabanqaabadii ugu dambaysay ee munaasibadda caleemo-saarka cali Khaliif.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka hayno Halkaasi, waxa sidoo kale dhaqdhaqaaqyo wada ciidanka qaranka Somaliland oo qabashada munaasibaddan si dhaw ula socda, iyadoo warbaahin badani diyaar ku yihiin Goobta Caleemo-saarka loo qoondeeyey.
Ciidamada qaranka Somaliland ayaa iyagu maalintii dorraad Baacsaday koox ka tirsan Maleeshiyada Khaatumo, kuwaas oo u cararay dhinaca Ehtiopia oo xadku kaga dhaw yahay.
Ciidanka ayaa la filayaa inay tallaabo ka qaadi doonaan caleemo-saarka cali Khaliif, iyadoo ay muqdisho ka yimaadeen waftiyo badan oo taageersan Siyaasadda Cali Khaliif.
Tv-ga Universal oo Somaliland laga mamnuucay ayaa isagu goor horeba u xadhko-xidhay sidii uu munaasibaddan si toos ah ugu tebin lahaa, waxana uu agabkiisii u raray dhinaca Tuulada Saax-dheer ee caleemo-saarku ka dhacayo.
SDN/QJ