CALAAMADAHA TARAAFIGA EE SOMALILAND
– Miyay jirtaa Calaamad ah kuwa TARAAFIGA ee CAALAMIGA ah oo isla markaana ay XAYAYSIIN nooc ay doontaba ha noqotee uu ku dhex qoranyay ama ka dhex muuqdo……..????????
Asc,Waxa aan halkan salaan qaali ah oo aad u qiimo badan iga hooya leeyay, Dhamaan Bulshada Somaliland oo dhan,Meel kastaba ha joogaane.
Anigoo ah MUBARAK C OOMAAR kana mid ah jaaliyadda somaliland somaliland ee ku sugan wadanka ‘AUSTRALIA”ahna gudoomiyaha Ururka “Somaliland Anti-Tribalism Organization” (S A T O ) ee qaybta AUSTRALIA.
– Waxaa aad u muhiim ah in qofka binu-aadamka ah ee lixdiisa laxaad iyo maskax uu ku fikiro ay u dhantay inuu wax ku qabsado,Waana muhiim shakhsi waliba inuu mar walba ku dhaqmo oo uu isticmaalo waxaa loo yaqaan “Feejignaanta ama Taxadirka” si uu naftiisa ama naf kale uu uga badbaadin kari lahaa khatarta ama halista soo foodsaari karta.
Waana waajib in ILAAHEENA WAAXIDKA ah ee ina uumay aynu u mahadnaqno mar walba iyo meel kasta oo aynu ku suganay maadaama aynu nahay dad muslim ah.(Alxamdullilah)
– Hadaba anigoo sii falaaqayn doona Erayga ah Feejignaan ama Taxadir
oo ah wax aad iyo aad muhiim u ah in qofku sameeyo oo uu is waydiiyo “Wax yeelo iyo dhibaato ma kala kulmi karaa? Haa & Maya midkastaba ha noqotee waxkasta oo uu fuli ama inuu sameeyo doonayo meelkasta oo uu joogo.
Inta aanan u guda galin muhiimadda aan maqaalkan aan u soo qorayo waxaan ka soo hor mari doona sidan:-
Sida aynu wada ogsoonay,waxaa jira calaamado caalami ahkuwaas oo ah (CALAAMADAHA TARAAFIGA) oo loo isticmaalo waddoonyika waa wayn, amaba waddo yar ee ay Baabuurta,Baaskiilka,Motooyinka(Motobikes) intuba ay maraan ama loogu talo galay in ay qaar ka mid ah ay mari karaan,runtiina calaamadahaas oo aad iyo aad fara badan oo kala midab ama kala nooc duwan oo mid waliba ay tilmaan gaar ah bixinayso tusaysana digniin ama taxadirka iyo ujeedada ay meesha ugu taalo in uu qofka baabuur wadaa in uu si sharci ah uu u yeelo inuu u socdo,sidii uu uga badbaadi lahaa amaba uu u dabaadin lahaa naftiisa iyo wixii kalee ay khatar ku tahay ee calaamada looga taagay meeshaas ay ku taalo.
– Calaamadaha Taraafigu, waa sharci lagama maarmaan ah oo qof kasta oo sharci u leh inuu Baabuur wado uu ku khasbanyay inuu sharcigaa fuliyo oo uu fuliyo amaba sameeyo wax walba oo Calaamadahaas Taraafiga ee kasoo hor baxaa ay tilmaan u leeyiin.
Taas oo ah sharci caalami ah oo wadamada aduunku ay isku si ugu dhaqmaan una fuliyaan,
– Inkastoo ay jirto in wadamo badan ay si gaar ah u sii leeyiin calaamado taraafig oo u gaar ah,sababtuna tahay in ay u samaysteen waxyaabo aan ka jirin ama khusayn wadamo kale,sidaas awgeedna u samaystay calaamad taraafig ah oo sheegaysa sidii uu qofka Baabuur ama wixii la mid ah wadaa uu u fulin lahaa waxa markaa ay calaamadaas taraafigu u taagantay.
* Hadaba inta aan ujeedada aan u soo qoray maqaalkan,ayaa marka hore waxaan u mahad naqayaa una salaamayaa dhamaan Shirkadda Dhahabshiil-Group,oo si wayn wax uga qobtay horumarka somaliland ay maanta gaadhay.waana Mansha-ALLAH.
– Iyadoo ay uguna dambaysay wax qabadka ay ku soo kordhiyeen inuu ahaa in ay CALAAMADAHA TARAAFIGA oo iyana aad u muhiim ah in dalka meelo badan u baahanyay,taana aad ayaan ugu mahad naqayaa,”Barakallahu-Fiikum”
– Anigana waxay muhiimada aan soo jeedinayaa tahay,anoo sii tix raacaya calaamadaha Taraafiga ee ay Dahabshiil-Group ugu wereejisay ‘SRC’
Anigu hadaan MUBARAK ahay waxaan ila haboon in Shirkadda Dhahabshiil-Group ay dib u soo habeeyaan calaamadahaas ay deeqda ugu faleen ee kuna wereejiyeen dawlada somaliland.
Waayo waxaa ku dhex qoran calaamadahaas xayaysiinta Shirkadda oo ah Dahabshiil-Group,oo waliba sida loogu daabacayna tahay in uu qofkii baabuur wadaa inta aanu akhrisan waxa ay calaamadu sheegayso uu ku lumiyo IL-BIDHIQSIGAA yar ee uu ku baal marayo, in uu akhristo xayaysiiska ku qoran,markaana uu la kulmo wixii ay calaamadu u taagnayd ee uga digaysay amaba u sheegaysay qofka baabuurka wada.
– Qofku ruux ah oo gaadhi ku wada 80km ama 100km,waxaa is waydiin leh imisa ‘Second’ ama il-bidhiqsi ayuu ku akhrisan karaa calaamaddu waxay sheegayso…?
Hadaan ka jawaabo anigu waa 2-3 il-bidhiqsi. Hadaba ma kulatay in uu qofkaasi akhriyay muhiimadii calaamadu u sheegaysay qofka baabuurka wada waxay doontaba ha noqotee,Ma laga yaabaa in ay dad badan shil kala kulmaan iyagoon akhrin Taxadirka meesha ku qorana,oo soo dhaafaan iyagoo xayaysiinta isha mariyay.
– Aduunka kuma arki kartid calaamad taraafik ah oo ay xayaysiin ku dhex qorantay oo waa ka mamnuuc,iyadoo sababtuna tahay in qofku uu u feejiganyay kolba waxaa ay calaamad kastaa ay u sheegayso ama uga sii digniin bixinayso
-Mar kale waad mahadsantiin dhamaan shirkadda Dhahabshiil-Group,wax qabadka iyo wax ku soo kordhinta aad la hor joogtaan mar walba wadanka Somaliland Republic.
WASALAAMU-CALAYKUM
Mr: Mubarak C. OOMAAR
E-mail: muba1972@gmail.com