Cakuyey Haddana Ma Kiiniya
Ottawa May-08-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku lafa gureynaa qaran ku sheeg gabalkiisii dhacay oo lagu dalxiis tagayo.
Wali waxaa ii cuntimila kiiniya ayaa ku guuleysatey koobka kubadda koleyga ee bariga iyo bartamaha Afrika wiilal iyo gabdhaba,waxaana wax laga yaqyaqsooda ah bahdilidda lagu hayo magaca kubadda koleyga ee Soomaaliyeed.
Haddii aad u fiirsato ciyaatooyada Kiiniya gabdhob iyo wiilalba umasameysna qaab ciyaartoy haddi aad u sii fiirsatina kabaha ay ku ciyaaryaan waxaad u maleyneysaa in laga soo uruuriyey kudaafadda ee maxaa loo gafayaa magacii ciyaartooydii kubadda koleyga ee qaranka Soomaaliyeed.
Ma kiiniya iyo kuwa kale ee bariga iyo bartamaha ku sheega ayaa i soo haweysan jirey markii ay ciyaari jireen halyeyadii kubadda koleyga Soomaaliyeed ee safka hore kaga jirey Afrika iyo carabahaba.
Haddaba wax ha iskulafaleen shakhsiyaadka caadeystey in ay masaakiin aan waxba ka ogeen isboorti ku dalxiis tagaan,ee u kaadiya inta ay soo noqoneyso sumcaddii iyo sharaftii aynu ku lahayn aduunka.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com