|

Cadho Ka Dhalatay Hadalkii Wasiir Goodax Ku Diiday Heshiiskii Saddexda Gobol Oo Keentay Inuu Ra’isal wasaare Cabdiweli Shir Degdeg ah Iskugu Yeedho Golihiisa Wasiirrada

Muqdisho:June,25,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Dawladda Federalka ah ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa cadho iyo niyad jab ka muujiyey Hadalkii uu shalay wasiirkiisa arrimaha Guduhu kala horyimi Heshiiskii laga gaadhay Saddexda Gobolka  Koonfurta Somalia

qoodXilli uu wasiir Goodax Barre si cad udiiday aqoonsiga Heshiiska Maamulka Saddexda Gobol, ayuu Ra’isal wasaare Cabdiweli Habeenkii Xalay Shir Degdeg ah iskugu yeedhay Golaha Wasiirrada si arrintaas looga wada Hadlo.

Ra’iisal Wasaasraha Somaliya oo shir gudoominaaya shirkan, ayaa wuxuu ku muujiyay sida uu kaga cadheysan yahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ee uu kaga horyimid heshiiskii ay dhabarka ka riixeysay Xukuumada.

 

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa Wasiirradiisa u sheegay inaan loo dulqaadan Karin in xubno ka mid ah Golaha wasiirradu mijo-xaabiyaan dedaaladiisa, isla-markaana aan la aqbali Karin in wasiir ka m id ah Goluhu ka horyimaaddo siyaasadda Guud ee Xukuumadda  xilli dalku marayo meel xaasaasi ah.

Wasiiradii Goobta fadhiyey ayaa si weyn uga markhaati kacay Hadalka Ra’isal wasaaraha, waxana bixiyeen ishaaro ay ku taageersan yihiin Hadalka Ra’isal wasaaraha.

Rar’isal wasaaraha ayaan  si buuxda Loo ogayn Go’aanka uu ka qaadan doono Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha oo ka horyimi Heshiiskaas, waxase la filayaa in laga Fikirayo sidii xilka-qaadis loogu samayn lahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed