|

Caddaymo Muujinaya Tacaddiyo Taliyaha Cusub Ee Bilayska Somalia Uu Ka Geystay Hargeysa Oo Warbaahinta Caalamku Soo Bandhigtay

Ottowa:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Eedaha loo jeedinayo Taliyaha Cusub ee Booliska Somalia, ayaa waxa qoraallo cadaymo u ah Daabacay Wargeyska The Star oo ka soo Baxa Dalka Canada oo ah Goobta uu Taliyahan degenaan Jire.

som bEedahan la soo bandhigay ayaa dhammaantood ah qaar uu taliyahani ka galay Shacabka Reer Somaliland sanadihii Dhibaatada ay ku Haysay Dawladdii Militeriga ahayd ee uu hoggaaminnayey Madaxweyne Siyaad Barre oo uu Taliyahani qayb laxaad leh ka soo qaatay Tacaddiyo loo geystay Shacabka ku dhaqan Wixii loo yaqaanay Gobollada Waqooyi.

Wargeyska  ayaa ciwaan looga dhigay “Taliyaha Ciidamada Booliska dowlada Canada waxay u aqoonsan tahay Dambiile” ,wuxuuna wargeyska  hadalkiisa ku sii daray in Mohammed Hassan Ismail Farah oo ah taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya uu jidhdil u geystay dad maxaabiis ahaa intii ay jirtay dowladaii dhexe ee uu hogaaminayey Allaha u naxariistee Mohamed Siyad Barre,sanadkii 1980-kii.

Taliye Mohammed Hassan Ismail Farah ayaa Soomaaliya ka soo tagay sanadkii 1991 markii ay burburtay dowladii Soomaaliya,isagoo u soo baxay dhanka Mareykanka kuna sugnaa muddo 7-bilood ah ka hor inta aanu dalka Canada gudaha u galin si qaxootii ahaan ah.

Sida laga soo xiganayo cadaymo rasmi ah oo ay soo saartay  maxkamada Federaaliga ah ee Toronto  ayaa lagu sheegay in taliyuhu uu xadgudubyo sameeyay intii uu ka tirsanaa dowlada Soomaaliya.

Yussuf Mohamed Issa oo ka tirsan dad markhaati ahaan loo soo xiganayo  ayaa tilmaamay in taaliyaha uu la kulmay 3-bilood oo uu xabsi ku jiray ka hor inta aanu ka qeyb qaadan dibad bax arday ay soo qaban qaabiyeen oo ka dhacay Hargeisa  sanadkii 1984 , Issa ayaa sheegay in taliyuhu uu qeyb ka ahaa waaxda dambi baaadhista ee CID, balse Mr Farax ayaa sheegay inuu ka tirsanaa waaxda la dagaalanka Maandooriyaha.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa beeniyay eedeymaha ah inuu dambiyo geystay islamarkaana sanadkii 1984 inuu ku sugnaa Hargeisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed