Cadaaladii Xuud baa liqay
Wadankan Jamhuuriyada Somaliland waxa hogaamiya xukuumad shacabku ku hungoobay.Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed-Siiraanyo waxay si badheedh ah ugu dartay xabaalaha xasuuqa gebi ahaan cadaaladii shacabku u oomanaa.
Inkasta oo madaxweyne Axmed-siiraanyo ku dadaalay inuu shacabku helo cadaalad hadana waxay cadaaladii afka ugu dhacday bahda garsoorka oo noqotay hubka ay wasiiradu adeeg-sadaan.Waxa sidaa idiin cadaynaya:
1.Cadaalad-darrada iyo xukunka Garsoorku ku xayiray wargeyska Hubaal.
2.Cadaalad-darrada iyo hiilka Garsoorku ku sii daayay askarigii dilka la
beegsaday Gudoomiyaha iyo Tafatiraha wargeyska Hubaal.
3.Cadaalad-darrada Garsoorku ku sii daayay ninkii shaaraca ku rasaaseeyay
Xildhibaan Qabile ee mar labaad dhaawaca u gaystay wiilkuu dhalay
Xildhibaan Qabile isla goobtana ku dilay muwaadinayad aan waxba
Gaysan.
4.Cadaalad-darrada Garsoorku ku xayiray wargeyska Haatuf.
5.Cadaalad-darrada Garsoorku rumaanka ugu diray Gudoomiyaha iyo
Tafatiraha wargeyska Haatuf.
Maanta waxa aynu wada ognahay bahda Garsoorku inay noqotay qaar aad u liita oo eega dantooda gaarka ah.Waxay noqdeen usha ay wasiiradu la dhacaan shacabka.Cadaaladii ay ka dhigeen mid tayadeedu aad u hoosayso.Waxay noqotay mid jeebka kala soo baxda go’aano ku salaysan rabitaankooda gaarka ah,waxaanay noqotay mid ay wasiiradu u adeegsadaan hadba muwaadiniyiinta wax ka qorta iyagga ee ay si sharciga baal marsan uga aar goosanayaan.
Intaas oo talaabo ah waxa ku lug leh wasiirada,waxaanay ku suurta gashay maaha mid sharci loo,maaha mid cadaalad lagu fuliyay ee waa heshiis iyo awood sheegasho sharciga baal marsan,baal-marsan cadaaladii uu madaxweyne Axmed-Siiraanyo doonaayay in la helo.Arrimahaa cadaalad-darrada ah ee ka socda dalka waxa ku heshiiyay bahda Garsoorka iyo Wasiirada.
Bahda Garsoorka iyo Waxay noqdeen xuud liqay cadaaladii iyo xuquuqdii muwadiniyiinta.
Xuseen Xasan Badmaax
Xoghayaha Xuquuda aadamaha
UCID
Hargeysa/JSL