|

CADAALADII CUMAR BIN KHADAAB IYO XUKUMADIISII CAJIIBKA AHAA BAL AYNU EEGNO

Cumar bin khadaab waxaa uu ahaa nin ilaahay ku ciseeyey diintiisa laga soo bilaabo maalin uu islaamay ilaa uu ilaahiisii kala kulmayey . gaar ahaan waxaa uu ilaahay  ugu

Ciseeyey muslimiinta iyo islaamka intuu uu khilaafada hayey.

WEEDHIHIISII CAJIIBKA AHAA

Weedhahani waxay dhaceen mar uu la sii dardaarmayey sacad bin waqaas oo uu kala talinayo  weedha cajiibka ah ay dadku  is yidhaahdaan  iyagoo qofka magac leh ama

Xukunka dadka haya dadkooda meel sare gaadhsiiya iyagoo ugu abtirinaya ama leh kii xukunka u dhawaayow si ay ugu kadaan sidan bayn u dhacday .

AMIIRKA YIDHI.Sacadoow yey alle kugu kadinin in lagu yidhaa waa rasuulka alle s..a.w. abtigiis iyo saaxiibkii .

Allaahna xumaan kuma dhaafo xumaan ee wanaag ayuu xumaan ku dhaafaa .xidhiidhna kama dhaxeeyo allaah iyo qof kale aan ka ahayn daacadiisa ,

Dadkana kooda u hooseeya iyo kooda u sareeya waa  u siman yihiin alle,

Allena waa rabigood iyana waa addoomadiisii ,wax ayna addoomadu u kala sareeyaan

Oo ay allaah  aktiisa ugu kala dhow yihiin daacadiisa

OGOW cabsida alleh waxay kulansatay laba arrimood oo ah ,adeecitaankiisa iyo macsidiisa oo laga fogaado .daacadana waa in lagu adeeco in la naco adduunyada oo la jeclaado aakhiro,caasinimaduna waa adduunka oo la jeclaado iyo aakhiro oo la naco

SIDII UU CUMAR XUKUNKA UGU CADAALAD GAR SOORI JIRAY

Waxaa la soo  eedayey camar bin caas oo masar masuul ka ahaa ,waxaana camar lagu soo eedeeyey in wii;lkiisa maxamed uu uleeyey nin qibdhiyiinta reer masar ah . wiil uu dhalay markaa loogama xad goayn wiilkii  ,

Markaas wiilkii iyo aabihiis baa tagey madiina si ay amiirka ooga soo ashtageeyaan waxaa dhacay ,markay u yimaadeen amiirkii ayey u sheegeen in wiilkii camar dhangadeeyey wiilkan caamarna markuu maqlay aanuu waxba ka qaban,

Amiiral muuminka markuu dacwadii dhageysta  isla goobtii buu waraaq u qoray camar bin caas waxaana uu amray in isaga iyo wiilkiisa maxamed soo wada galaan madiina .

Dabadeedna markay soo galaan madiina ayaa maxkama la saaray,waxaana uu amiirul

Muuminku xukumay in wiilka qibdhiga ahi uu hortooda ku ulleeyo oo ka goosto xadkiisii

Intii uu ku dhuftay in laeeg maxamed camar bin caas ,markaas buu ka gutay ,markaas ayaa cumar ku yidhi wiilkii ulleecamar bin caasna waayo sharkiisa ayaa lagugu ulleeyey

Markaas baa wiilkii yidhi yaa amiiral muuminiin anigu xaqaygii waan oofsaday ninkii I garaacyna waan garaacay

Ka dib baa cumar wiilkii ku yidhi ilaahay baan ku dhaartee hadaad isagana garaaci lahayd kaama aan joojiyeen ilaa aad adigu joojiso mooyaane .

Ka dibna amiiral muuminkii baa ku jeesta camar bin caas kuna yidhi hadalkii caanka noqday camaroow goormaad dadka addoonsateen iyagoo hooyooyinkood xor ku dhaleen

Ka dibna cumar waxaa uu eegay wiilkii iyo aabihii ooyidhi orod oo haddi camar mar danbe gaf idinka galo ii soo sheega.midna ogaada wiilkan iyo aabihiis muslin ma ah waa gaalo

Ka dib cumar meeshii ayuu u daayey camar  maadaama uusan isagu danbi galin ee uu wiilkiisu galay ka dibna laga qisaasay

Xaqiiqdii taas ayaa cadaalad la yidhaa  oo sharciga islaamka muslin iyo gaalo u siman yihiin

Maantana waxaa dunidii camamiyey dulmi iyo in aan dabaqada sare sharcigu qaban oo waxay doonaan sameeyaan iyagoo xidhan shaadh dawladeed

WAXAA AYNU KU SOO XIDHAYNAA SHEEKADAN DHEX MARTAY LABA AMIIR CUMAR BIN KHADAAB IYO CALI BIN DAALIB

AMIIRA MUUMINKII Cumar bin khadaab markii uu arkay alaabtii boqorkii kisra ooy ku jirtay khumuskii  la keenay madiina ayuu intuu la cajabay yidhi nimanka alaabtan keenay waa aaminiin

Markaas baa cali bin daalab ku yidhi WAAD DHOWRSANAATAY  MARKAAS BAY RAACIYADAADIINA ILAAHAY KUU TOOSIYEY HADAADSE NOQON LAHAYD MID DAAQA XOOLAHA UMMADA IYANA WAY DAAQI LAHAAYEEN

Waana sida maanta taagan markii madaxdii xoolihii ummada iyagu boobeen maxaad ka filan kuwii ka hooseeyeyna waxay baryaan idina booba , ka xoolaha ummada cunaa tolkii waxay u yaqaanaan fariid  ka is dhowrana maanta xageena waxaa uu ka xisaabsan yahay doqon aan waxba kala ogeyn

GURYAHAN WAAWEYN YAA LEH XOOLAHAN LAGU TAGRI FALAYO YAA LEH  ALLE HALAGA YAABO  OO HA LAYS DHOWRO HALKA INAGA HORAYSA WAA AYNU OGNAHAY QABRIGA YAR IYO WAXAAN LA TEGAYNO AAD HA LOOGO FAKARO

TAARIIKHDA SAXAABADA RASUULKA S.A.W. AKHRISKOODA IYO DHEGYSIGOODA IIMAANKA AYEY KOR U QAADAAN WAANA SAAXIIBO WANAAGSAN AKHLAAQADA QOFKA AYEY DHISAAN QULUUBTA MUUMINTUNA WAY KU RAAXAYSTAAN SHEEKADOODA KAMA DHERGAAN EELA SAAXIIBA OO AKHRIYA WAA SAAXIIBO FIICANE

 

SIDAA IYO NABAD GELYO

FUAD MFARAH JAWI

OTTAWA CANADA

 

Comments are closed