|

“Cabudhinta Xukuumadu kuma hayso oo Keliya Saxaafada balse hantidii Ummadii ayay ku haysaa” Muj Xasan Guure {DHAGAYSO}

Hargaysa 10.April 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure ayaa Sheegay in Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inaanay Cabudhin ku hayn oo Keliya Saxaafada balse Waxay Cabudhisay Hantidii umaddu wada lahayd.

xasan Guure JaamacMujaahid Xasan Guure oo ka hadlayay Dareenkiisa ku aadan Albaabo u Xidhida Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafada Madaxa banaan ayaa dib u Milicsaday Ayaamihii uu ku Jiray Xisbiga Kulmiye waxaanu Sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo Gudoomiye u ahaa Xisbiga Kulmiye uu ka Cadhooday Markii Xukuumadii Rayaale ay Xidhay Yuusuf Cabdi Gaboobe Gudoomiyaha Wargayska Haatuf iyo Somaliland Times Isla markaana uu ku sifeeyay mid Sharci daro ah waxaanu xusay oo kale inaanu maanta garanayn halka uu madaxweynuhu sharciga saxda ah ka keenay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII XASAN GUURE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XasanGuure10a.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed