|

Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir (Cikrama) oo lagu Xidhiidhiyay Weerarkii Westgate Moll

London 25.October 2013 (SDN) – Nin ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriiriyay shirqoollo argagixiso oo ka dhacay dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay in muddo hal sano uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.

Ninka oo lagu magacaabo Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaan Cikrama oo ahaa bar-tilmaameedkii weerarkii uu Maraykanku ku qaaday shantii bishan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa la sheegayaa in sanadkii 2007 uu tagay dalka Ingiriiska ka hor intii uusan u soo wareegin Soomaaliya.

CikramaCabduqaadir ayaa sanadkii 2004 tagay dalka Norway, wuxuuna ku guul-dareystay magangelyo uu ka raadsaday dalkaas.

Cabduqaadir  Maxamed Cabduqaadir ma cadda dowrkii uu ku laha weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magalada Nairobi  ee dalka Kenya sida ay sheegtay BBC.

Cikrama ayaa la sheegay in uu tababari  jiray maleeshiyooyinka ajnabiga ah ee doonaya in ay ka barbar-dagaallamaan   Al-Shabaab. Waxaa la tilmaamayaa inuu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo Al-Qaaciddada Gacanka Cadmeed ee fadhigeedu uu yahay dalka Yemen.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed