“Cabdiwaloow Haddaad Nabadda Diido Cidda Aad Ka Hor Imanaysaa waa Aniga oo Tuutaan Soo Xidhanayaa ee Diyaar Garaw.”Faysal Cali Waraabe
Hargaysa 11.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay difaaca dalka isla markaana uu tuute u xidhanayo haddii ay joojin waayaan Maamulka Puntland hanjabaadaha iyo faro galinta ay ku hayaan Somaliland.
“Cabdiwali waxaan leeyahay ninka aad ka hor imanaysaa waa aniga ee diyaar garaw hadaad nabada diido oo aad Somaliland soo faro galiso anigaa kaa soo horreeya oo tuute,ayaan anna soo xidhanayaa ee ogow.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo maanta waraysi siiyay HCTV.
Waxaa kaloo uu ka hadlay shirii dooda Qaran oo uu sheegay inay dib u dhigeen ka dib markii ay arkeen inaanay xilligan suura gal ahayn inay qabtaan.
“Markaanu eegnay xaaladda xilligan taagan iyo muranka ka dhex jira golaha Wakiiladda waxaanu isla garanay inaanu dib u dhigno Xisbiyada,Akaadamiga iyo Madashuba,waxaanan sidaa u qaadanay markaanu qiimaynay xaaladda dalku uu ku sugan yahay xiligan.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe waxaa kaloo uu farriin adag u diray Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay waxay waddaan inuu yahay wax ay is leeyihiin Somaliland wax ku yeela laakiin u sheegay iay ku guul,darraysanayaan.
“Waxa xamar iyo Garoowe ka socda ee Somaliland lagu wiiqayo maaha wax lagu faa,iidayo waayo? Annagu dadka kale waanu u wanaagsnahay laakiin annaga ayaa isku xun,waxaanu nahay ummad samir badan markaa waxaanu uga digayna Maamulka Muqdisho inay wax faro galin ah ku sameeyaan Somaliland hadday laakiin sii wadaan waxaan u sheegaynaa inaan iska difaacayno cid kasta oo Somaliland cadaw ku ah.”
Hadalka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,ayaa jawaab u ahaa hadallo dhawaanahanba ka soo yeedhayay Maamulka Puntland oo sheeganayay dhul ka mid ah Somaliland iyo inay dagaal kula wareegayaan Laascaanood Xarunta gobolka Sool.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com