|

Cabdiraxmaan-Cirro: “Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka shaqaysay Midaynta UDUB iyo Wadani”

Hargeysa 01, November 2012 (SDN)- Musharaxa Jagada Madaxwaynaha Xusibiga UDUB Md Cali Maxamed Cabdilaahi Warancade Iyo Ku Xigeenkiis Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ku helinayaan qaarka mida Masuuliyinta Xusbigaasi ayaa Munaasibad soo dhawayn ah oo ay ku midoobayeen Urur Siyaasadeedka WADDANI loogu sameyey Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadani oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimayaa ka soo qayb madaxda iyo kumaan ka mida taageerayaasha labada dhinaca ayaa Masuuliyiintii ka hadshay waxaa ka mid ahaa Axmed Xaaji Daahir oo Masharax ku xigeenkii Xusbiga UDUB oo madashaasi ka hadlay ayaa dadka reer Awdal ugu baaqay in ay Taageeradii Xibigooda si hagarli ula garab istaagaan Ururka WADDANI waxaana hadladii ka mid ahaa:-“Aniga oo ah Axmed Xaaji Daahir oo ahaa murashax ku xigeenkii Xisbiga UDUD Murashaxii Xisbiga Cali Waran cade meeshan aynu hada joogno (Ambassador) waxay ahayd halkii nalagu caleemo saaray oo aanu xilka u qaadno Xisbiga hadana maanta waanaga halkan taagan markaas waxaanu garab iyo gaashaan u noqonaynaa Ururka WADDANI sidoo kale taageerayaashayadii joogay daafaha dunida waxaanu u sheegaynaa cududii iyo magacii UDUB lahayd inay siiyaan Ururka WADDANI. Waxaan leeyahay Cabdiraxmaan Cirro wuxuu leeyahay ifafaalaha Madaxweynaha ruushka ee la yidhaahdo Buutin leeyahay, markaanu dhinac kastaba u eegnay Ururka waxaanu go’aansanay inaanu taageero, markaas anigu waxaanu reer Boorama iyo taageerayaashaydii bahweynta UDUB u sheegaynaa in aan bad iyo beriba aan si rasmi ah ugu hawl gali doono Ururka WADDANI si aan uga soo saaro Xisbi qaran oo WADDANI ah.”

Waxaa kale oo isna madashaasi ka hadlay Xog-haya Guud ee Urur Siyaasadeedka WADDANI  Maxamed Cabdilaahi Uurcade “waxaan soo dhawaynayaa Xusbiga udub oo ahayd xusbigii dalka inuu wax badan u soo qabtay oo Xuduudaha Dalka sugay Doorashooyin kala duwan si xor ah u qabtay,waanan soo dhawaynayaa waana xusbigii dimuqraadiyada waxaan leeyahay ururka WADDANI waa ururkiinii ee ku soo dhawaada sida laysugu taanaasulay waxaa ku jira wlltinomo iyo wadanimo  ,cali maxamed warancade waxaa uu taariikh lixaad leh ka qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka “

Waxaa kale oo mahadashii soo dhawaynta midowga ay garabkii Xisbiga UDUB ee uu hogaamin jiray Cali Maxamed Warancade uu ku soo biiray Urur Siyaasadeedka WADDANI waxaana hadladiisii ka mid ahaa  “Caawa waxan leeyahay ilahay il iyo cawriba ha inaga hayo, waxaanu isla eegnay oo aanu garanay cida keliya ee aanu is-fahmi karnaa inay tahay Ururka WADDANI, waxanan isleenahay talooyinka aad haysaan ee wanaagsan way qaadan karaan waa Ururka WADDANI, cida aanu is nidhi waad ku aamini kartaan dalka ee aad wada qabsan kartaan  inuu yahay ama aanu garanay waa Ururka WADDANI, dalkani waxaa uu u baahan yahay talo waxaa uu u baahan yahay wado jir waxaau bahanyao dadaal si uu u helo ictiraaf oo dunida uga mid noqodo waxaanu talo ku goynay hadii aanu nahay Xubiga udub  cida keliya ee aanu talada ku aamini karnaa waxaa ay nala noqotay WADDANI ,doon ayaan saaranahay  dooni oo badwaynta kaga talaabaynaa taageerayaasha xisbiga UDUB hadii aan kaga gudubno waxaanay wada leenahay wixii wadani so saaaro,hadii laga talaabiwaayo waxaa inoo taagan markii titaanig oo horay Xusbigii udub usii saarna .wax yaabaha aanu ururka ku dooranay waxaa ka mid ah asataamihi u lahaa xusbigii udub oo ay ka mid ahayd taageerida dadka taagta daran iyo in uu ahaa Xisbi qunyar socod ah oo maati daadihiye ah, taasn a waxanu ku aragnay Ururka WADDANI oo metela Xusbigii UDUB ,waxanan taageerayaashaydii iyo bahwaynta UDUB  ugu baaqayaa in ay taageero la garab istagaan Urur Siyaasadeedka WADDANI Meelkasta oo aynu jogno waxaan ugu baaqayaa in ay WADDANI lagarab istaago si uu noqdo Xusbi Qaran, waxaan kaloo ku raacay raga WADDANI ku jira oo aan is lahaa markaad wadanka Madaxweyne ka noqoto aad xil u dhiibtid waxay igaga jireen WADDANI, markaas waxa caawa naga go’an ah hadii aanu nahay Murashaxiintii, garbihii Xisbiga iyo taareeyaashaydii faraha badnaa  inaanu taageerno Ururka WADDANI iyo Guddoomiyiiisaba.”

Gabogabdii Munaasibadani waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI “aniga oo ku hadlaya Hogaanka iyo Taageerayaasha WADDANI waxaanu si khas iyo laab ah u soo dhawayanay Musharaxa Madaxawaynaha iyo ku xigeenka ee Xusbiga UDUB ee ku soo biiray Ururka WADDANI waxaanan ku mahadnaqaynaa taageeraada iyo iskaashiga ay la garab istaageen Urur Siyaasadeedka WADDANI. Waxaa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa cidkasta oo ka shaqaysay arrinta midaynta Udub iyo WADDANI,Udub waxaa ay cadeeyeen sababaha ay ku doorteen urur siyaasadeedka WADDANI oo ay ka mid tahay dulqaad iyo qunyar socodnimada waxaana loo baahan yahay maadadama oo aan doorasho gelayno in aynu ilaalino akhlaaqda ,waxaanu rajayanaya in ay wax badan kala barandoona macalimiinta inoo timi khibradooda maamul iyo waayo aragnimadooda aniga iyo Ururka WADDANI farxad aan la qiyaasi Karin ayey ka mid tahay waxaa kale oo aan ugu bushaaranayaa dhamaan Masuuliyinta udub in ururka WADDANI uu yahay urur loo siman yahay oo qofkasta loo siman yahay waxaan dhamaanteen inoo rajayanyaa in doorashadu wanaagasani inoo dhacdo oo ino keento Ictiraaf ay beesha caalamka ka helno”

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed