Cabdiraxmaan Cabdiqaadir: “Maanta waxaan leeyahay, Xisbi ma lihi ee Tol baan leeyahay, horena…”
Berbera 04, July 2012 (Qurbejoog.com)- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo muddooyinkii u dambeeyay daawayn u joogay dalka Ingiriiska, ka dib markii bilo ka hor jugi ka soo gaadhay shirweynihii golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo si xoog ah looga saaray, ayaa maanta dalka ku soo laabtay.
Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shirweynahaas golaha Dhexe xilkii uu hayay ee guddoomiye kuxigeenka KULMIYE xilka lagaga qaaday, ka dib markii lagu eedeeyay inuu xukuumadda eedeeyay, siyaasaddii xisbigana ka baydhay, waxa uu maanta ka soo degay Madaarka Berbera oo si wayn loogu soo dhaweeyay.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu u mahadceliyay dadweynihii iyo masuuliyiin xisbiyada iyo ururada siyaasadda ka socday oo soo dhaweeyay. “Runta markaan idiin sheego, maan filayn in intan oo dad ahi I soo dhawaynayaan. Waxaan is lahaa, dhawr qof oo asxaabtaadii ah ayaa kuugu imanaya meesh. Walaalayaal, wixii aan odhan lahaa idinka ayaa hore iyo imikaba ii yidhi oo ku tiiqtiiqsaday oo gobol kasta iiga hiiliyay. Waxa la iiga hiiliyay Awdal, Togdheer, Hargeysa, Sool iyo Saaxilba, waa la iiga hiilayay run ahaan,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Waxaan idiin sheegayaa, 2004-kii baan khudbad ka jeediyay Huteelkii Minsing ee Hargeysa, waxaanan maalintaasi idhi; ‘tol ma lihi ee xisbi baan leeyahay’, maantana waxaan leeyahay; ‘Xisbi ma lihi ee waxaan leeyahay Tol oo bulshadiinan I soo dhawaysay baa ii tol ah, bulshada Somaliland oo ah dad gob ah oo xaqdarada ka dagaalama ayaa ii tol ah.”
Waxa uu shacabka ku booriyay inay taageeraan Caddaalada oo ay u hiiliyaan, wuxuuna Illaahay ka baryay inuu dadku helo hoggaamiye wanaagsan oo daacad ah.
Qurbejoog.com, Berbera
editor@somalidiasporanews.com