Cabdirahman Ubaxle oo Gudoomiyaha Qurbajooga isku Sheegaya ,Hadana Madaxdii Tv-ga Qaranka Somaliland Aflagadeynay.
Jini Boqor Cabdirahman Ubaxle oo Gudoomiyaha Qurbajooga isku Sheegaya ,Hadana Madaxdii Tv-ga Qaranka Somaliland Aflagadeynay.
Marka hore waxaan Salaan u dirayaa dhamaan Shacabka reer Somaliland iyo bahda Saxaafada Meelkasta oo ay Dunida Dacaladeeda ka Joogaan.
Maalmahan ugu Danbeyey waxaad Shabakadaha wararka ku arkeyseen Aflagaadada iyo Ceebeen isdaba joog ah oo lagu hayo Dhalinyarada ka hawlgasha xarunta Tv-ga Qaranka Somaliland ee London ,Dacaayado been abuur ah oo uu ku hayo ninka sheeganaya in uu yahay “Gudoomiyaha ‘Xidhiidhk Jaaliyadaha Somaliland ee EU” Xilkaasi oo aan la garaneen halka lagu Magacabey isaga iyo gudida uu sheegayo in uu madax u yahay.
Waxaa khalad ah in nin sheeganaya Masuul Qaran oo isku Magacabey Gudoomiyaha Jahliyada Somaliland ee yurub waa Mr C/raxman Ubaxle iyo Kooxdiisa Beelaysan ee reer Nacaybka isku Urursadey Isana moodaya in ay iyagu ugu Caqli badan yihiin Bulshadeeda reer Somaliland meel kasta oo ay Joogaanba, waxayna Baryahan danbe xoojiyeen in Aflagadad iyo Ceebta ay ku Qorayaan Mareegaha iyo Warsidayaasha Madaxa Banana iyaga oo Hadalkooda u dhigaya in Madaxa Tv ga Qaranka Somaliland Mudane Khadar Xasan Cali Gaas uu Shaqalaha ka howl gala Tv-ga Qaranka xaruntiisa London uu Shaqaleysiiyey dad ay isku Beel yihiin ay ka wada Shaqeeyan taasi oo ah dacayad Raqiis ah oo aaney waxba ka jirin.
Bal eeg wargada uu kaga dacwoonayo Tv-ga Qaranka Xaruntiisa London ee uu u qorey Jini Boqor Ubaxle isaga oo u direy Cabashada Madaxtooya Somaliland waxaayna u dhigneed sida tan.
Ubaxle oo Cabasho u diray Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ,ka dib markii Tv-ga Qarnaku ka soo xaadiri waayey shirkii 2 ee jahliyada UK ku lahaayeen London.
Aniga oo ku hadlaya Magaca Gudoomiya Xidhiidhka Jaahliyada Somaliland ee Eu ,Waxaan halkan kaga dacwoonaya Tv-ga Qaranka Somaliland xaruntiisa London oo ka soo xaadiri waayey shirweynihii Labad ee Qubajooga Somaliland ee EU ku qabsadeen Xarunta caanka ah ee Oxford House London Sabtidii Hore 06/10/12.
Waxaanan aad uga xumahay in aan goobta ka waayey Tv-ga Qaranka iyo Shaqaalahiisi ku hawl gelayey Cashuurta Shacabka reer Somaliland halka ay dhamaan warbaahinta afka somaliga ku hadasha shirka noogu yimadeen oo waliba si tabaruca noogu duubeen Waqtigooda Qaaliga ah . waxaan xukuumada ku war gelinayaa gaar ahaan wasarada warfafinta Somaliland in aanu shirkan oo qabanqaabadiisu mudo ka socday magalada London ku war gelinay Gudomiyaha Tv-ga Qaranka Xaruntiisa London Mudane Cabdi Bacow si uu noogu soo diro weriye ka socda Tv-ga Qaranka balse nasiib daro aaney cidi ka soo xaadirin goobtii shirku ka dhacayey,aan wax cudur daarana Kamaanu helin Maamuulka tv-ga Qaranka.
Waxaanu halkan uga mahad naqayaa Saxaafadii waqtigooda noo soo hurey.
Universal Tv-Somali Chanal Tv-HctvTogdheernews-
Aniga oo ugu mahadnaqaya sida hagar la,aanta ah ee jaaliyada somalilad u garabtaagan yihiin iyagoo dherdhexaada,ugu danbayntii Xukuumada Somaliland baadhitaan ha ka sameyso sababta Tv-ga Qaranku u diiday codsigayga si aan Jaahliyada iyo Xukumadu u kala fogaan.
Somaliland Guul & Horumar
Gudoomiyaha Qurbajooga ee EU
Abdirahman Ubaxle
Hadaba waxaa is weydiin leh ninka ku magacaaban wakiilka TV Qaranka Somaliland ee Magalada Birmingham Mr Muniir Axmed Cigaal,oo ka dhex muuqdey xafladii uu sameyey ninka gudoomiyaha sheeganaya ubaxle maalintii Sabtidii ee taariikhdu aheed 06/10/12 Magalada London,waxaa la yidhi hadaad been sheegeysid been run u eeg sheeg ubaxle oo ka cawdey tv-ga qaranka in ay casuumad u fidiyeen aysan iman waxaa la yaableh Muniir Ahmed miyaanu ka tirsaneen Shaqaalaha Tv-ga ee uk oo ay waliba ubaxle ka wada yimadeen magalada birmingham oo uu ku yaalo Studio 2 ee Tv-ga Qaranku ,su aashasi waxaay u taala muniir ahmed waxaa uu u difaaci waayey Tv-ga Qaranka ee uu matalayey markuu joogey xafladaa uu ubaxle ku cabayo.
Waxaa Hubaal ah in Mr Muniir Ahmed ka qeyb yahay Dagalka Beeleysan ee lagula jiro Shaqalaha ka howl gala Tv-ga Qaranka Xaruntiisa London waxna ka qorey, isagoo u qoray C/raxman Ubaxle qoraal uu ku sheegay warsaxaafadeed lagu Aflagadynayo wariye Abdilahi Mohamed Ali oo si weyn looga xushmeeyo Tv-ga Qaranka iyo saxaafada Somaliland oo dham.
Wriye Abdilahi Mohamed Ali oo ay dusha ka sareen maqaal Shabakada Wararka ee Hadhwanagnews.com lagu qoray isaga oo aan ku lug lahayeen eedaha loo soo jeediyey Wariyaha ka tirsan Tv-ga Qaranka.
Qoraalkaas oo Sheegayey in Jini Boqor Ubaxle uu yimid Xaflad ka Dhacdey North London dabadeena uu Aflagadeeyey Wakiilka Somaliland u Fadhiya Uk Mudane Cali Adan Cawaale taasi oo aan Been aheen dad badan oo Madasha Fadhiyeey ka Markhati Kacayeen.
Isku soo Wada Duuboo waxaa looga fadhiyaa Ubaxle iyo inta uu wataa in ay raali galin ka bixiyaan falkaa foosha xun ee ay kula kaceen Madaxda Tv–ga Qaranka Somaliland .
M S Muhumed