Cabdillaahi Siciid Ismaaciil (Dheere): Bare iyo Siyaasi Hufnaan Looga Marag-furay. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waa qormooyin duco, xus, maamuus iyo iftiimin u ah ALLE ha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenkii Saddexaad ee Xisbiga Waddani Cabdillaahi Siciid Dheere oo shil baabuur ku geeriyooday 16/Oktoober/2012-ka oo ahaa siyaasi mug leh oo qaranka ka galbaday, guurti wanaag-tare ah, aqoonyahan suubban iyo bare tacliinta ku anqariyay dar ka mid ah aqoonyahanno kaalin halbawle ugu jira shacbigeenna.
Qoraalladan waxa aan jecelahay inaan ku iba-furo mahad-naq aan u jeediyo dadka iga taakuleeyay helista sooyaal-nololeedka marxuumka iyo raadraaca ku lammaan oo ay ka mid yihiin C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro), Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Eng Faysal Cali Waraabe, Xaaji C/Kariin Xusen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), Boobe Yuusuf Ducaale, Abwaan Muxumed Cali Aw Jaamac (Masmas), Maxamed Xasan Dirir, Saddaam Maxamed Axmed, Axmed Cumar Caddaani (Axmed-Shaafi) Axmed Xaamud Xasan, Jaamac Cabdillaahi Cigaal, Yuusuf Keyse Cabdillaahi, C/Raxiin Ismaaciil C/Laahi (Bidaar), Aadan Jaamac Kaahin, Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar, Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool), Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), Wargeysyada iyo Mareegaha dalka iyo guud ahaan Qoyska Marxuumku ka baxay.
Qof kastaaba xaalad iyo wakhti gooniya ayuu maqlay warka dhiillada leh ee geerida C/Laahi Siciid, aniga waxa uu warkaasi i soo gaadhay xilli goor-sheegtu ku beegan tahay 05:30 galabnimo saacadda Geeska Afrika, galabnimadii 16/Oktober/2012ka oo ahayd maalin Salaasa kolkaas oo aan aan Mareegta Ramaasnews ka akhriyay war ciwaankiisu yahay “Saddex Masuul oo ka tirsan Urur-Siyaasadeedka Waddani Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur” kuwaas oo kala ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 3aad C/Laahi Siciid Dheere, Guddoomiye ku-xigeenka 4aad Cabdi Siciid Raygal iyo Xildhibaan Cali Xaaji Maxamuud Muuse oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland . Judhiibana waxa ay mareegtu soo dhigtay war kale oo sheegaya inuu shilkaas ku geeriyooday Alle Ha U Naxariistee C/Laahi Siciid Ismaaciil Dheere oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI, oo aan aqoon fiican u lahaa isaga iyo qoyskiisaba. Horaa loo yidhi “geeriyi nimaanad garanayn iyo geel-jiray ku wacantahay”. Waa se lama huraan iyo xaq inna wada sugaya. Waxa aan qoraalladan kooban ku milgeynayaa Marxuum C/Laahi Siciid Dheere.
Xilliga uu shilku dhacay waxa ay marxuumka iyo masuuliyiinta la socday ku sii jeedeen magaalada Berbera oo uu ka soo degayay Guddoomiyeha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyeha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) waxaana la socday, kuna soo baxay baabuurka qallibmay gurmadna u fidiyay gaadhi ka dambeeyay oo ay la socdeen Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa iyo xubno kale.. Halka uu gaadhigu ku geddoomay waxa ay ahayd meel dhinaca bari ka xigta Abdaal.. Waxaana C/Laahi Siciid iyo raggii la socday loo soo qaaday dhanka Hargeysa isaga oo nool.. Nasiib-darro iyada oo uu hore u soo gaadhi waayay gagaarayaasha caafimaadka, waxaanu C/Laahi ku geeriyooday tuulada Aw Barkhadle oo dhanka bari ka xigta Caasimadda Hargeysa.
Waxa iska soo daba-dhacay dhambaallo tacsi ah oo lagu cabbirayo dareenka tiiraanyo ee ka aloosmay geerida C/Laahi Siciid Dheere, kuwaas oo ka kala yimi madaxda ugu sarreysa qaranka Somaliland sida: Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyeha Xisbul-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyeha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyeha Xisbiga WADDANI C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro), Guddoomiyeha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Engineer Faysal Cali Waraabe, Murashaxa Madaxweyne ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyeha Urur-siyaasadeedkii Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gabboose iyo taageerayaasha Waddani ee ku kala sugan Burco, Daad-madhdeedh, Ceerigaabo, Bariga Afrika iyo guud ahaan Daafaha dunida. Guud ahaanna dareenka naxdineed ee ka dhashay xajiaabashada marxuumku waxa uu ahaa mid si mug leh bulshada ugu faafay. Waxay tacsiyuhu ka yimaaddeen daafaha dunida iyo gobollada Somaliland.
Haddii aan si gaar ah u xuso tacsida ka timi qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka aqalkaasi Axmed Saleebaan Dhuxul waxa ay u dhignayd sidan;
“Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur siyaasadeedka Waddani ALLA ha u naxariistee CABDILAAHI SICIID DHEERE oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Hargeysa Dhexdooda.
Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiillada.
MARXUUM CABDILAAHI SICIID DHEERE waxa uu ka mid ahaa aqoon yahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland, wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb qaatay bilowgii nidaamka dimuquraadiyada ee Somaliland ka hana qaadday.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani, Masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland, ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo”.